|

Ururka Suxufiyiinta aan Xuduudka lahayn oo Cod dheer kula hadlay Somaliland,Dhaliilna u Jeediyay Hanaanka Garsoor ee dalka

Addis Ababa 21.May 2014 (SDN/QJ)- Hay’adda Ilaalisa Xuquuqda Saxaafadda ee aan Xuduuuda(Reporters without Borders) ayaa Xukumadda Somaliland ugu baaqday inay sii dayso Masuuliyiinta Wargeyska Haatuf, Yuusuf Cabdi Gaboobe iyo Tifaftirihiisa Axmed Cali Cige.

Ururka Suxufiyiinta Aan Xuduuda lahaynWarbixin Hay’addu soo saartay Isniintii ayaa lagu cabaareeyay waxay ugu yeedheen Dacwado Xaqdarro ah oo lagu Oogay Gudoomiyaha Haatuf iyo Tifaftirihiisa qaybta Soomaliga Axmed Cali Cige.

“Waxaanu ugu baaqaynaa Masuuliyiinta inay ka tanaasulaan, dhamaan Dacwadaha ka dhanka ah Yuusuf Gaboobe iyo Axmed Cali Cige, iyo inay dhameeyaan Maxakamadda Beenta ah, taas oo u taagan damac aan si fiican loo qarin oo looga danlahaa in lagu cabsigaliyo warbaahinta Somaliland” ayay tidhi Cléa Kahn-Sriber oo ah Madaxa Africa u qaabilsan Wariyeyaasha aan Xuduuda lahayn.

Cléa Kahn-Sriber waxay sidoo kale sheegtay in Dacwadaha loo haysto labada wariye ka hor imanayaan Sharciga Somaliland, gaar ahaana Xeerka Saxaafadda ee 2004 iyo Dastuurka Somaliland oo lagu abaal marinayo Wariyeyaasha Dambi gala, islamarkaana loo adeegsaday Xeer Ciqaabeedka Somalia.

Masuulka Bariga Africa u qaabilsan Wariyeyaasha Bilaa xuduudaha waxa uu dhaliilay habka Makamaddaynta oo ay sheegay inaanay ahayn mid loo siman yahay “ Qolka Maxakamadda waxaa kaliya oo haystay Taageerayaasha labada Wasiir, kuwaasi oo Caayay, Cabsi-galiyeyna Wariyeyaasha. Dhamaan Duruufahan waxay wiiqayaan Aaminaadda Dawladda Somaliland, waxayna Caawinaysaa inay tahay sababta ay ugu adkaatay inay ku Guulaystaan Kalsoonida Bulshada Caalamka.”

Xukumadda Somaliland ayaa xidhay Wargeyska Haatuf 7-dii Bishii April, iyadoo Gudoomiyaha Wargeyska Yuusuf Cabdi Gaboobe iyo Tifaftirihiisa Axmed Cali Cige xidhay Bishan 10-keedii. Wariyeyaasha ayaa ku eedaysan baahinta Warar aan sal lahayn, kuwo aan nidaamka iyo kala dambaynta dhaawacaya iyo cayda Masuuliyiin Qaran.

Wasiirka Macdanta Xuseen Cabdi Ducaale, Wasiirka Arimaha Gudaha Cali Warancade iyo Baashe Cawil oo Madaxweyne Siilaanyo Sodog u yahay ayaa dhibbane ka ah Kiiska loo haysto Haatuf.

Hargaysa SDN/QJ.

contact@qurbejoog.com

contact@somalidiasporanews.com

 

 

Comments are closed