|

SIDEE LOOGA DABAAL DAGEY HABEENKII 18 MAY WAQOOYIGA MALAYSIA, (SAWIRO)

Madal aad u heersarreysa oo ay soo agaasimeen gudida Jaliyadda Malaysia ee Jamacadaha UUM iyo UniMAP oo aad u gilgishay dhamaan shucuurta dhalinyar ku boholyowdey oo dareen farxadeed isku wada arkey, Madashan oo aan nooceeda hore uga dhicin Malaysia ayaa waxaa ka soo qaybqaatey Gudoomiyaha Jaliyadda Somaliland ee Perlis Ahmed Hassan Adan, Gudoomiyaha Jaliyadda Kedah Farah Ahmed Jama, iyo marti sharaf aad u badan,

Xafladan sannad guuradii 23aad oo aad loogu han iyo hamuun waynaa ayaa ka wada farxisay dhamaan shacbi weynaha Somaliland ee Waqooyiga Malaysia ku nool.

waxaana halkaas hadallo kooban ka soo jeediyey Gudoomiyaha UniMAP Malaysia, Ahmed Hassan Adan, oo qiimaha Maalintan iyo taariikhda ay mudantahay si kooban uga hadley.

waxaa sidoo kale halkaasi hadal talo iyo tusaale isugu jira soo jediyey Gudoomiye Farah Ahmed Jama oo ah Gudomiyaha UUM Malaysia.

Madashan oo ay ka dhacdey dood Aqoon isweydaarisiya oo aanu halkan Qurbejoog.com idinku soo tabin doono ayaa ahayd mid aad u xiiso badan,

dhinaca kale kooxaha dhalinyarta kubadda cagta ayaa lagu gudoonsiiyey billado iyo kobab halkaasi.

 

DSC_0459 DSC_0423 DSC_0420 DSC_0270 DSC_0247 DSC_0245 DSC_0235 DSC_0139 DSC_0117 DSC_0410

Comments are closed