|

Wefdi Sare oo uu hogaaminayo Wasiirka Madaxtooyada Somaliland oo Canada yimi iyo Aamusnaanta saxaafada Somaliland(SAWIRO)

Toronto May 21,2014(SDN/QJ)-Waxa dalka Canada Soogaaray wefdi balaaran oo uu hogaaminayaan wasiirka Madaxtooyada Somaliland Md Xirsi Xaaji Cali Xasan iyo Guddoomiye ku-xigeenka 1aad ee Gollaha Wakiilada Md Baashe Maxamuud cade.

Wediga ayaa sidoo kale waxa weheliyay Xildhibaan Cali Gebiley iyo xubno ka mid ah warbaahinta Qaranka.

Wefdiga ayaa waxa dalka Canada ku soo dhaweeyay madax ay ka mid yihiin Afhayeenka Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID Md Khadar Guun,fanaanka weyn ee Cabdijibaar Al Khaliiji iyo waxgarad kale oo faro badan.

Waxaase aan madaxsha soo dhaweeynta wefdiga heerka Qaran aan ka soo xaadirin warbaahinta reer Somaliland ee Canada oo hawl wadeeno faro badan ku leh magaalada Toronto.

SDN/QJ-Toronto

contact@qurbejoog.com

contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed