Madaxwaynaha Dowlada Puntland Dr Cabdiwali Maxamed Cali Gaas oo lakulmay Madaxa Hay’adda Kaalmada ingiriiska ee Soomaaliya
Garoowe May 21,2014(SDN/QJ)-Madaxwaynaha Dowlada Puntland Mudane Dr Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa maanta aqalka Madaxtooyada Puntland ee Garowe ku qaabilay Madaxa Hay’adda Kaalmada ingiriiska ee Soomaaliya Mr Phil Evans iyo ku xigeenkiisa Haweenayda lagu magacaabo Mrs Rebeeca Tevzeone .
Madaxwayne Mudane Dr Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa masuuliyiinta Hay’addaasi kala hadlay sidii ay Puntland uga caawin lahaayen dhinacyada Waxbarashada,Caafimadka,Dimuqraadiyada,amaanka,xoojinta sharciga iyo arimo kale .
Madaxwaynaha Dowlada Puntland ayaa masuuliyiintaasi u Cadeeyay in xukuumadiisa ay ka go,antahay la dagaalanka musuqmaasuqa,kuna howlan tahay hirgalinta Dimuqraadiyada,Kobcinta iyo Kor uqaadida dhaqaalaha Wadanka .
Mr Phil Evans oo ah Madaxa Hay’adda Kaalmada ingiriiska ee Soomaaliya ayaa sheegay in hay’addiisu ay ka go,antahay sidii ay dowlada Puntland u caawin lahaayen .
Dhawaan ayay ahayd markii uu Madaxwaynaha Dowlada Puntland Mudane Dr Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ku dhawaaqay in ay xukuumadiisu diyaar latahay soo dhawaynta cidkasta oo maalgashi iyo horumar ka samaysanaysa Puntland
SDN/QJ-Garoowe
contact@qurbejoog.com