Sirdoonka Britain MI5 oo lagu eedeeyay in ay wax ka ogaayeen jirdil loo geystay nin uu Siyaad Bare Awoow u yahay
Qahira May 21,2014(SDN/QJ)-Sirdoonka dalka Britain ee MI5 ayaa nin Soomalai ahi ku eedeeyay in ay ogaayeen jir dil ay u geysteen ciidamada amaanka ee dalka Masar oo uu u xiran yahay.
Axmed Diini oo heysta dhalashada dalka Holland ayaa qoraal uu u gudbiyay qariinkiisa waxa uu ku sheegay in qaar ka mida sirdoonka MI5 ku booqdeen xabsi lagu jir dilay.
Axmed Diini oo mar ku noolaa dalka Britain ayaa sheegay in sirdoonka Britain ay dhawr jeer cadaadis ku saareen in uu ka mid noqdo basaasiintooda.
Axmed Diini ayaa waxa qabtay oo xabsiga dhigay dawlada ciidamada dalka Masar ee talada ka maroorsaday madaxweyne Morsi.
Ma cada sababta ay ciidamada Masar xabsiga u dhigeen ninkan uu awoowga u yahay madaxweynihii hore ee dalka Soomaaliya.
SDN/QJ-Qahira
contact@qurbejoog.com