Somtel iyo Alcatel-Lucent oo isu baheystay in ay 4G Soomaaliya gaarsiiyaan
Nairobi May 21,2014(SDN/QJ)-Shirkadaha Isgaarsiinta ee Somtel iyo Alcatel-Lucent ayaa heshiis ku gaaray in ay macaamiishooda u soo gudbiyaan adeega 4G.
Labada Shirkadood oo heshiiska ku kala sexeexday magaalada Nairobi ayaa sheegay in xiriirka LYE iyo adeega 4G ay la beegsanayaan macaamiishooda dhalinyarada ah.
Adeegyadan cusub ayaa gacan ka geysanaya sidii xogta Data-da si fudud loogu wadaagi lahaa si adeegyada caafimaad iyo waxbarasho loo fududyn lahaa.
Madaxa Somtel Siciid Ducaale ayaa saxaafada u sheegay in shirkadoodu ku hawlan tahay soo bandhigida adeegyo ka wax tar badan kuwa shirkadaha kale.
“Somtel waa shirkadii u danbeysay ee isgaarsiinta waxaana aynu ku hawlanahay sidii aanu uga duwanaan laheyn shirkadaha kale” ayuu yiri Mr. Ducaale.
Ducaale waxa uu sheegay in 33% macaamiisha isgaarsiinta Soomaaliya ay iyagu u fidiyaan adeegyada isgaarsineed.
Somtel ayaa dhawaan bilowday tijaabada xarumo isgaarsiineed oo laga furo magaalooyinka Kismaayo iyo Dhadhaab.
Sidoo kale ku-xigeenka madaxa Africa ee shirkada Alcatel –Lucent Daniel Jaeger ayaa sheegay in adeega LTE uu yahay mid sahli doona helida Internet xoogan.
Soomaaliya ayaa haatan leh macaamiil dhan 1.5 million oo ruux waana suuq baahaya maalin walba waxaana jira tartan haatan ka dhex aloosan shirkadaha.
SDN/QJ-Nairobi
contact@qurbejoog.com
contact@somalidiasporanews.com