|

Mas’uuliyiin lagu Eedeeyay inay Dilaaliin Ka Noqdeen Maxaabiis Gar’adag Loogu Qaaday Si Ay Hudheel Ugu Dhisaan Taliyaha Xabsiga Gar’adag

ceerigaabo (1)Ceerigaabo 20,May,2104(SDN/QJ)-Kadib Markii xuska Maalintii Qaran ee 18-May rabshaddo koobani ka dhaceen magaalada Ceerigaabo Waxa badhsaabka Gobolka Sanaag uu Amar ku bixiyay In xabsiga La dhigo cidii kasoo horjeesata Xuska maalintani.
Dad fara ku tiris ah oo iyagu isku dayay inay Tashuush ku furaan xuska maalintani ayaa Jiray balse ciidamada Milateriga oo uu amarkani Siyay badhasaabku ayaa xabsiga ku soo guray Kontoneeyo dhalinyaro ah oo ubadan kuwa iyagu dhankooda xusayay Maalintan iyo kuwo aan la haysan jawiga Oo goorahaas suuqaba soo galay.
Xer ilaaliyaha Gobolka Shacayb Maxamud Elmi , Taliyaha qaybta Xasan gamcayare Iyo Gudomiyaha Maxkamada Aadan Saalixi Ayaa la sheegay inay ku taliyeen in maxabiistani Lagu rumaan gareeyo Xabsiga magaalada Gar’adag lagana wareejiyo Magalada Ceerigaabo badhasaabka ayaa isaguna ka ogolaaday fikirka sadexda shaqsi dabada ka wadeen oo ahaa qorshe si gaar ah ay usoo maleegteen.
Habeen madow ayaa gawaadhi lagu soo daabulay waxana Gelbis kusoo raacay maxaabitaasi taliyaha Qaybta iyo Xerilaaliye Shacayb si ay Taliyaha xabsiga gar’adag Xaaraan daaq gacantiisa ugu hubsadaan maxaabiistani.
Mid kamid ah maxaabiista oo codsaday inaan magaciisa la baahin telefonkiisa gacantana si dhuumasho ah u sita ayaa isheegay in kolkii looso daabulayay Magaalada gar’adag Duleedkeeda lagu jidh dilay shan kamid ah islamarkaana ay aad uliitaan xiligan
”Qaar naga mid ah waa la jidh dilay celefwayn agteeda garadag baanuna ku xidhxidhanahay ehel qaraabo cunto iyo gogol cid noo keentana ma haysano xataa ma garanayno wax nalagu soo xidhxidhay mudaharaadka la leeyahay waad samayseen mabaan ogayn mida kale anagu kuwii xusi lahaa baanu nahay oo 43 ayaanu isaaq ku nahay ee maanaga mudaharaad samayn lahayn Midi Waa Dhulbahante Midkalena Warsan Geli Sadex Gahayle ah sadex Kale waa Habar Jeclo inta kalena Waa Habar Yoonis Konton qofna waanu nahay”
Sidaasi waxa yidhi mid kamid ah maxaabiistaasi.
Wararka ayaa sheegaya in qorshaha maxaabiista gar’adag lagu keenay ee ay sadexdan masuul Maleegeen uu qayb ka yahay adoon siga uu Taliyaha Xabsiga Gar’adag Xaaraan daaq ku hayo maxaabiista hore halkaasi ugu xidhan, waxana la sheegay in uu u adeegsado dhismayaashiisa gaar ka ah si ay iyaguna yidi diilo uga dhigtaan iminkana uu hudheel ku dhiso uga socda magaaladaasi gar’adag.
Arintani ayaa kusoo beegmaysa xili Maayarka Magaalada Ceerigabo uu ku maqan yahay dalka Dibadiisa Badhasaab Ramaaxna uu yahay masuul cusub oo aan weli la haysan Siyaasada gobolka sanaag Ee eexda iyo ka argoosiga qabiil ku dhisan.
Dad ku sugan magaaladaasi ayaa warbaahinta Usheegaya in arintani Saansaan Colaadeed ka istaadhay gudaha magaalada ayna udhowdahay in arintu qabiil isu bedesho.
SDN/QJ-Ceerigaabo
daacad@qurbejoog.com
contact@somaliasporanews.com

Comments are closed