|

Yuusuf Garaad Oo Saaka Dhuumasho Ku Soo Galay Hargaysa

garac20,May,2014(SDN/QJ)-Madaxii  hore ee laanta Afka Somaliga ee BBC-da Yuusuf Garaad Cumar,ayaa la sheegayaa inuu Saaka Ka soo degay Garoponka Diyaaradaha Caalamiga ah ee Cigaal Intenatinoal Airport.

Si dhab ah looma oga Sababta Socdaalka Yuusuf Garaad,oo haatan si Xoogan ugu dhex Milan Siyaaasadda Somaliya,isaga oo Dhawr jeerna isku dayay inuu ka mid noqdo Maamuladda Maqaar saarka ah ee laga sameeyo Koonfurta Somaliya.waxaana ilaa hadda uu la’yahay meel uu ka galo Siyaasadda Somaliya,isaga oo inta badan iskaga Goosha Muqdisho iyo Nairobi.

Yuusuf Garaad,ayaa waxa si weyn loogu xasuusta Nacaybkii uu u hayay dadka iyo Dalka Somaliland wakhtigii uu Madaxda ka haa Laanta Af-ka Somaaliga ee BBC-da,oo dad badan oo Safxafiyiin Ruug-cadaa ah uu ka Eryay BBC-da,isaga oo adeegsanaya Hab iyo Hanaan Ka baxan Ansha Shaqo ee Haay’adda BBC-da.

SDN/QJ-Hargaysa

daacad@qurbejoog.com

contact@somalidiasporanews.com

 

Comments are closed