Kooxda Al-shabaab Oo Faahfaahin Ka Bixisay Weerar ay Shalay Ka Geysatay Gudaha Dalka Kenya Oo ay Libin Ka Sheegatay
Mandheera:May,20,2014(SDN/QJ)-Kooxda Al-shabaab, ayaa Faahfaahin ka Bixisay Weerar Gaadmo ah oo ay Shalay ku Qaadday Duleedka Magaalada Mandheera.
Afhayeenka Xarakada Al-shabaab Cali Maxammuud Raagge (Cali Dheere) oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in weerarkaas ay iyagu mas’uul ka ahaayeen isagoona intaas ku daray in ay dileen askar badan baabuurna soo qafaasheen kuwa kalena ay ka Gubeen Ciidamo Kenyan ah oo ay Halkaas ka Heleen.
Waxa uu sheegay oo kale in ay sii wadi doonaan dagaalka ay kula jiraan dowladda Kenya maadama ciidankooda uu ku sugan yahay Soomaaliya.
Ilaa 12 askari oo ay ku jiraan lix ciidanka Keydka dalka Kenya ayaa lagu dilay weerarkaas waxaa kaloo maqan ciidamo kale kuwaasoo meel ay jaan iyo cidhib dhigayn aan la ogeyn.
Xaaladda magaalada ayaa kacsan waxaana laga deyrinaayaa ammaanka maadama shaley oo kaliye ay ka dhaceen ilaa afar weerar oo aad u culus.
Madaxa ciidamada booliska Mandera Noah Mwivanda ayaa sheegay in askarta lagu dilay meel u dhow tuulada Khadiija Xaaji oo in ka yar hal kiilomitir u jirta magaalada Beled-Xaawo ee ku taalla soohdinta u dhaxeysa Kenya iyo Soomaaliya.
Ciidanka la dilay ayaa ku raadjoogay saddex gaadhi oo qaad siday oo ay dhaceen dagaalyahanno ka tirsan Al-Shabaab.
Kooxda Al-shabaab ayaa marka laga Yimaaddo Qaraxyada ay ka geysanayso Gudaha Magaalada Nairobi, waxa ay Gaadmo kale ka Geysataa Magaalooyinka Xuduudda ku Taxan, iyadoo inta Badan Goobahaas ku laysa Askar Kenyan ah.
SDN/QJ
Contact@somalidiasporanews.com