|

Soomaali waraaqaha dhalashada Sucuudiga been abuurtay 80 sanadood ka hor oo haatan uun la ogaaday

Dammam May 20,2014(SDN/QJ)-ciidamada Sucuudiga ayaa haatan baaraya qoys Soomaali ah oo qaatay dhalashada Sucuudiga 80 sanandood ka hor ka dib kolkii la ogaaday in ay sifo khalada sharciga ku qaateen.

Laban in iyo Haweeney walaalo ah iyo tafiirtooda oo ilaa 25 ruux ah ayaa haatan la baarayaa sida ay ku qaateen dhalashada dalkaasi.

Qoyskan ayaa la sheegay in 80 sanandood ka hor hab been abuura ku qaateen dhalashada ka dib markii ay sheegteen in nin sucuudi ahi uu yahay abahood.

Dawlada Sucuudiga ayaa 50 sanadood ka hor ka shakiyay qoyskan Soomaalida ah balse waxa aan suurtogal noqon xiligaasi in ciidamadu cadeymo helaan.

Ninka ayaa shan sanadood ka hor u sheegay Booliska in aanu dhalin sadexdan ruux ee sheegtay in ay ka mid yihiin ubedkiisa, ninka ayaase geeriyooday shan sanadood ka hor.

Ciidamada Sucuudiga ayaa haatan helay qoraal ah dhaxalkii uu ka tegay ninka sucuudiga ah,lagumana xusin in Soomaalidu tahay dhashiisii.

Waana sababtaa ta haatan baaritaanka iyo xanibaada loogu soo rogay qoyskan Soomaalida ah oo qaarkood haatan qudhoodu geeriyoodeen.

Soomaalida dalalka Carabta tagtay ayaa caqabado waaweyn  kala kulma qaadashada shuruucda dalalkaas,waana sababta ku kelifta tilaabooyinka sharci darada ah.

SDN/QJ-Dammam

contact@qurbejoog.com

contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed