Ciraaq:Isabaysiga Sharci Ee Uu Hogaamiyo Nuural AL-Maaliki Oo Guul Balaadhan Kasoo Hooyay Doorashooyinkii Baarlamaanka
19,May,2014(SDN/QJ)- Isbahaysaga Sharci ee Hogaamiyo Ra’iisal Wasaaraha Dalka Ciraaq Nuural Al-Maliki,ayaa la sheegayaa inuu ku Guulaystay Codadkii ugu badnaa ee Doorashooyinkii Golaha Baarlamaanka ee Dalkaasi ka Qabsoomay 30-kii Bishii Ina dhaafday.Laakiin waxa la sheegayaa in aanay taasi macneheedu ahayn inuu helay Aqlabiyadii Kuraasta Baarlamaanka Dalkaasi,oo la Hirdamaya Kooxa Kala Mab’da ah,oo Dagaalo Kooxeed ay ku dhex maraan Dalkaas.taas oo dhaawac weyn soo gaadhsiisay Nolashii dadka reer Coiraaq Tan iyo waxii ka danbeeyay Duulaankii ay Gaashabuurtii uu maraykanku ku galay dalkaasi sanadkii 203-dii.
Waxaana maanta oo Isniin ah Shir Jaraa’id oo ku qabtay Magaaladda Baqdaad,Ergayga Madaxa-baan ee Doorashooyinka ee Dalka Ciraaq uu Warbaahinta u sheegay in Isbahaysiga Sharci ee uu Gadh-wadeenka ka yahay Nuural Al-Maaliki uu ku Guulaystay 93 Kursi,iyada oo ay tira Guud ee Kuraasta Baarlamaanku ay tahay 328 Kursi.waxaana uu intaas raaciyay in Isbahaysiga uu ku Guulaystay Aqlabiyadda 10 Gobol oo ka mid ah Goboladda Dalkaasi.
Si kastaba ha ahaatee waxa ay dad badani sheegayaan inay tani tahay Doorshadii Ugu Horaysay e Dhinaca Baarlamaanka ah ee ka Qabsoomta Dalka ay Colaaduhu la dageen ee Ciraaq,waxii ka danbeeyay ka bixitaankii Maraykanka ee dalkaasi.
SDN/QJ-Baqdaad
contact@somalidiasporanews.com