|

Muqdisho: Qarax Lala Beegsaday Masuul Hore Uga Tirsanaan Jiray Maamulka Gobolka Banaadir Oo Ka Dhacay

qarax19,May,2014(SDN/QJ)-  Waxaa goordhawayd Qarax la sheegay in gaadhigiisa loogu soo xidhay Masuul hore oo katirsanaa Maamulka Degmooyinka Gobolka Banaadir uu ka dhacay Degmada Xamar Weyne ee Gobolka Banaadir.

Qaraxa ayaa la sheegay in uu ka dhacay agagaarka Xarunta Dahabshiil ee Degmada Xamar Weyne , waxaana qaraxa uu ka dhashay waxyaabhaa qarxa oo gaarigiisa loogu soo xiray Gudoomiye kuxigeenkii dhinaca amaanka ee Degmada Xamar Jajab.

Wararka aan heleyno ayaa heegaya in qaraxa uu dhaawac soo gaadhsiiyay Gudoomiye kuxigeenkii Degmada Xamar Jajab , lamana oga qasaare kale oo qaraxaasi oo ah mid goordhaw dhacay ka dhashay.

Qaraxan ayaa imaanaya xili dhawaan Al-Shabaab ku hanjabeen in ay beegsan doonaan Masuuliyiintii hore ee Maamulka Degmooyinka Gobolka Banaadir , waxaana arintan cabsi badan kusii beereysa Gudoomiyaasha Xilka laga qaaday .

SDN/QJ-Muqdisho

daacad@qurbejog.com

contact@somalidiasporanews.com

 

Comments are closed