Nairobi: Amaanka Safaaradaha Reer Galbeedka Oo Aad Loo Xoojiyay Iyo Shaqaalaha Qaramadda Midoobay Oo Lafaray Inay Guryahooda Ku Nagaadaan
19,May,2014(SDN/QJ)- Iyada oo wali ay sii soconayaan Hawl galadda ay Ciidamadda Dalka Kenya ay ka wadaan Magaaladda Nairobi,ayaa waxa wararka naga soo gaadhaya Dalka Kenya,gaar ahaana Magaaladda Nairobi ay sheegayaan in si xoogan loo adkeeyay Ammaanka xaafadda Girgiri ee magaalada Nairobi, oo ay ku yaallaan xarunta Qaramada Midoobay, Safaaradda Mareykanka, Canada iyo kuwo kale, waxaa laga cabsi qabaa weerarro ka dhaca magaalada, shaqaalaha qaar waxaa laga codsaday inay guryahooda ka shaqeeyaan. Dhowaan dalalka reer galbeedku waxay u digeen dadkooda ku sugan Kenya,taas oo si xoogan wax uga bashay Joogitaanka reer Galbeedka ee Sugnaa Guuda ahaanba dalka Kenya ,gaar ahaana Magaaladda Nairobi.
Waxaana la filayaa in ay sii socon doonaan Digniinaha Mukhaabaraadka reer Galbeedka eek u Aadan Shaqaalaheeda ku sugan Wadamada Bariga Afrika gaara ahaana Kenya,oo si gaar ah farta loogu goday Magaalooyinka Nairobi iyo Mombasa.
SDN/QJ-Nairobi
contact@somalidiasporanews.com