|

Waa kuma Gudoomiyaha cusub ee Maxkamadda Ciidamada? (QORMO)

Gudoomiyaha cusub ee Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida waxaa dhawaan loo doortay Col. Cabdiraxmaan Maxamed Tuuryare oo Korneyl Cumdda lagu naaneyso, waxaana la sheegay inuu yahay Sarkaal in Muddo ah kasoo shaqeeynayay Howlaha Ciidamada, waana Aqoonyahan Khibrad iyo Barashaba ka heysta Siyaasadda iyo Sharciga.

 

Waxaan Qormadan ku qaadaa-dhigeynaa Gudoomiyaha cusub ee Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliyeed Korneyl Cumda oo aan Aqristayaasha wax badan ka bareyno Sooyaalkiisa Aqooneed, Khibradihiisa Shaqo, Kaalimihii kala duwanaa ee uu Howlaha Amniga iyo Ciidamada kasoo qaatay, iyo arrimo kale oo Kartida iyo Howl-karnimada Mudanahan horay loogasoo bartay bidhaamineysa.

 

1. Heerka Aqoonta Akadeemiga ah ee Gudoomiyaha:

 

Gudoomiye Cabdiraxmaan wuxuu iminka u sharraxanyahay qaadashada Shahaadada PhD oo uu ku diyaarinayo Xiriirka Caalamiga ah, isagoo ka diiwaan-gashan Akaademiyadda sare ee Daraasaadka & Cilmibaarista oo hoostagta Jaamacadda Carabta, kuna taala Magaalada Qaahira ee Dalka Masar .

2011- Wuxuu isla Akaademiyadda kor ku xusan uu Shahaadda Jaamacadeedka Heerka Labaad ee Master Degree kaga qaatay Qaanuunka, gaar ahaanna Heshiisyada Caalamiga ah, isagoo Buugga Qalin-jabintiisa Master-ka oo 407 Bog ka koobanna Cinwaan ugaga dhigay “ Heshiisyada aan isku dhigmin ee Soomaaliya ay la gasho Dowladaha kale iyo saameynta ay Mustaqbalka ku yeelan karto Amniga Qaranka”.

2009- Wuxuu Diplooma sare oo Sharciyada ah Muddo 2 Sano ahna Barashadeedu socotay ka qaatay isla Akaadeemiyadda lasoo sheegay.

2008- Wuxuu Koorsa Sanad iyo Bar socotay kuna saabsanayd Sharciga Duulimaadyada Diyaaradaha (Aviation and reservation) ka qaatay Machadka Laasilki Al-Dowli ee Cilmiga Tiknoloojiyadda iyo Injineeriyadda oo ku yaala Magaalada Qaahira.

2005- Wuxuu Shahaadada Heerka Koobaad ee Jaamacadda ama Baajulaarka ka qaatay Jaamacadda Muqdisho oo uu Cilmiga Qaanuunka iyo Shareecada ka bartay.

2000- Wuxuu ka baxay Machadka Alcimra- Muqdisho

1993-1997- Wuxuu dhamaystay Dugsiga Hoose iyo Dhexe ee Degmada Ceel-Dheer, Gobalka Galgaduud.

 

2. Khibradaha Shaqo & Aqoonta Ciidan

2002-2004: Wuxuu ka mid ahaa Macalimiinta Xisaabta iyo Luuqadda Carabiga ee Magaalada Muqdisho, isla xilligaasna wuxuu dhanka Tababarada kala shaqaynayay Ururada bulshada rayadka ah gaar ahaan daladihii la oran jiray cogwo, inxa iyo ururka (justice watch association) JUWA.

2005-2006: Wuxuu la shaqa bilaabay Dowladdii Federaalka Kumeel gaarka aheyd oo markaas fadhigeedu ahaa Jowhar, wuxuuna ka shaqeynayay Wasaaradda Dastuurka iyo Federaalka- Xafiska Wasiirka- iyo Wasaaradda Qoyska & Arrimaha Bulshada- Xafiiska Wasiirka.

2007- 2010: Wuxuu Madax u ahaa Urur Dhalinyaro oo la yiraa Somali Youth organization (SYO) oo kulminayay Dhalinyaro Aqoonyahanno ah, kuwaas oo dhamaan Gobalada Dalka kasoo kala jeeday. Ururkan SYO waxaa lagu aas-aasay Magaalada Qaahira, wuxuuna Ujeedkiisu ahaa sidii Dhalinyarada wax-baratay looga weecin lahaa Tahriibka, looguna dhiirin lahaa inay Dalkooda kusoo laabtaan, kana qayb qaataan badbaadinta Dalka iyo Dadka.

2010 –Dalka ayuu dib ugu soo noqday waxuuna ku biiray Hay’adda Sirdoonka & Nabadsugidda Qaranka oo NISA loo yaqaan, illaa iyo iminka oo Xilka Gudoomiyaha Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida loo magacaabayna Mudane Cabdiraxmaan Hey’adda NISA Madaxdeeda ayuu ka mid ahaa.

Xilal kala duwan iyo Shaqooyin badan oo uu Hey’adda kasoo qabtay, ayuuu Mudanuhu ka helay Khibrad iyo Aqoon ku filan oo uu rajaynayo inuu u kaashado gudashada Xilalka Qaran ee loo dhiibi doona.

Intii uu Hey’adda NISA ka tirsanaa, Gudoomiyuhu wuxuu soo qabtay Xilal badan oo kuwa hoos ku qoranay ugu muhiimsanaayeen:

1. Kaaliyaha Taliyaha Hey’adda ee Xiriirka Carabta oo uu Sanad hayay

2. Madaxa Waaxda CTU” Counter Terrorism Unit” oo uu Laba Sano hayay

3. Taliyaha Hogaanka Xiriirka Dibadda.

4. Taliyaha Hogaanka Baarista danbiyada.

5. Taliyaha Hogaanka Tababarada & Qorsheynta oo ah Xilkii ugu danbeeyay ee uu ka haayay NISA

6. Gudoomiyaha cusub ee Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida, wuxuu Darajada Ciidanka ka gaaray G/le sare (Full Colonel)

 

 

3. Koorsooyinka & Siminaarada

Wuxuu Simanaaro,Shirar, Koorsooyin & Tababaraba u tegay ilaa 17 Wadan oo Dibadda ah, kuwa kale oo ka badanna Gudaha Dalka ayuu ku qaatay, badankoodna waxay ahaayeen Arrima Amni, Maamul & kuwa Sharci.

 

4. Luqadaha uu ku hadlo waxna ku qoro:

Somali

Carabi

English

Comments are closed