|

DAAWO“waar meesha Habar-jeclo, Habar-yoonin iyo Habar Awal Inaguma Soo Duuline Maamul Baa inagu soo Duulay, sida Qudha ……”Cali Khaliif

Kala-baydh:May,19,2014(SDN/QJ)-Siyaasiga Dibad-wareegga ah ee Fad-qalalada ka wada Bariga Somaliland, ayaa mar kale ku celiyey in Dhibaato iyo dagaal laga bilaabo deegaanada Bariga Somaliland.

Cali Khaliif ayaa maalintii shalay isagoo ku sugan deegaanka Kala-baydh ee Dhinaca Bariga kaga Beegan Demgmada Lascaanood, ayaa shacabka Goobahaas deggen ku Guubaabiyey inay dagaal la galaan ciidamada qaranka Somaliland oo Goobahaas kadhaliyey horumar iyo walaaltinimo dhex marta shucuubta halkaas Deggen.

“Reer Kala-Baydhoow,Laascaanood oo la haystana nidaamkii kala baydh waa kala dhantaalan yahay, waxa laga yaabaa inaad tidhaahdaan waar hoy laascanood haddaydaan xoreynayn,, Haddaan warkeeda lagu celcelina armaa laascaanood ba la waayaa Nimankanina qoryo iyo dagaal ay umadda ku xasuuqaan Halkan uma joogaane mustaqbaleena laftiisa inay tirtiraan yey lascanood u joogaan.” Ayuu Yidhi cali Khaliif oo isku dayey inuu shucuurta shacanka Geliyo Colaad iyo nacayb siyaado ah.

Cali khaliif Galaydh ayaa si qaawan u Kala qaad-qaaday Beelaha walaalaha ah ee dhistay Xukuumadda Somaliland, kuwaas oo uu   ku andacooday in Sidooda oo kale talo loo Baahan yahay, waxana uu yidhil

“Sida qudha ee aynu isu xorayn karnaana waa meesha maamul Habarjeclo iyo Habar yoonin iyo Habar Awal Inaguma Soo Duuline Maamul Baa inagu soo Duulaye Maamulna Maamul Uun baa kaa celin kara.”

Cali Khaliif oo Af-xumadiisii sii wataana waxa uu yidhi

“Waar dadkii marka dhulkooda  jiilaalka ay tahay ee aanu Roob helin Geelashoodu barkadaha ka cabi jireen ayaa idin gumaysanaya.”

Cali Khaliif ayaa durbaano waaweyn u tumanaya Colaad ka hurta Bariga Somaliland, isagoo Beelaha walaalaha ee Bariga dalka ku Nool maalin walba ku Guubaabinaya Inay Dagaal galaan oo fawdo bilaabaan.

Laba cisho ka hor ayey ciidamada qaranka Somaliland isku dayeen inay Gacanta ku soo dhigaan Cali khaliif oo markaa marayey Deegaanka Saax dheer, waxase u suurto gashay inuu  Halkaas ka Baxsado.

 

 

 

 

 

SDN/QJ\Hargeysa

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed