Madaxweyne Siilaanyo Oo Mar Kale U Quus-gooyey Dhiggiisa Somalia
Hargeysa:May,18,2014(SDN/QJ)-Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo, ayaa mar kale Khudbad uu Maanta u jeediyey Shacabka Reer Somaliland ugu Quus Gooyey Dhiggiisa Somalia oo Hadallo Midnimada la xidhiidha Warbaahinta ka sheega.
Madaxweyne Siilaanyo ayaa khudbad kooban ka jeediyey Barxadda hore ee Madaxtooyada, ayaa sheegay in shacabka reer Somaliland Go’aansadeen inaanay dib dambaysa ugu Noqonnin midowgii hore ee Somalia, isla-markaana ay si midaysan uga Go’an tahay inay qaranimadooda adkeeyaan.
Madaxweynaha ayaa sheegay in midowgii hore ee Somalia Khasaare lagala kulmay isla-markaana ay taasi sabab u noqotay in shacabku kku adkaystaan gooni isu taag taam ah oo ay ku dhawaaqeen 18-kii 1991-dii.
Madaxweynaha tilmaamay in faro madhan ay shacabka kulmeen Midnimo hore oo ay xiiso badan u hayeen walaalahooda Somalia, balse natiijadii xumayd eek a soo baxday shacabka ku reebtay riiq iyo rafaad aan waligeed hadhin.
Waxa uu tilmaamay inuu si weyn u soo dhaweynayo Wada-haddallada Somalia iyo Somaliland u bilaabmay, isla-markaana uu abaal ugu hayo ciddii isku hawshay inay wada Haddlanaasi qabsoomaan.
Sidoo kale waxa uu madaxweyne Siilanyo tilmaamay in xukuummaddiisu wixii dhaliil ah ee ay leedahay ay soo dhaweynayaan, isla-markaana uu codsi wada shaqayn ah u dirayo dhiggiisa Golayaasha qaranka ee kale.
Khudbadda maanta ee madaxweyne siilaanyo oo ahayd mid aad u kooban, isla-markaana macno badan xambaarsayd ayaanu idiinku soo Gudubin doonnaa Wararka dambe isha allah.
SDN/QJ