|

Safaarada Mareykanka ee Nairobi oo dalbatay ilaalo dheeri ah

Nairobi May 18,2014(SDN/QJ)-Safiirka dawlada Mareykanka u fadhiya dalka Kenya ayaa dalbaday ciidamo dheeri ah oo suga amaanka safaarada Nairobi ka dib kolkii ay faraha ka baxday isku haleyntii amni ee dalkaasi.

Safiir Robert Godec ayaa sheegay in uu gudbiyay dalab ilaalo isugu jira ciidamada Kenya iyo kuwo ka iman doona Washington.

Safiir Godec ayaa sheegay in la dhimay shaqaalihii Mareykanka ahaa eek a hawlgelayay safaarada Nairobi isla markaana haatan la kordhiyay ilaalada ka howlgasha safaarada.

“Waa nasiib daro laakiin amniga Kenya khalkhal ayuu galay intii ka danbeysay weerarkii Westgate ee sanadkii hore”sidaa waxa yiri safiir Godec.

Intii ka danbeysay weerarkii Shabaabku ku qaadeen Westgate waxa dalka Kenya ka dhacay 12 qarax oo ay ku dhinteen dad ka badan toban ruux,

Reer Galbeedka ayaa muwaadiniintooda uga digay joogida iyo tegida dalka Kenya ka dib kolkii ay ka war heleen weeraro ay Shabaabku dalkaa ka maleegayaan.

SDN/QJ-Nairobi

contact@qurbejoog.com

contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed