|

Hargaysa: Diyaar Garawga Maalinta Qaran ee 18 May Oo Si Aad Ah Looga Dareemayo

 haragysa17,May,2014(SDN/QJ)- Waxa Maanta si weyn looga dareemayaa guud ahaanba Magaalooyinka Jamuuriyda Somaliland,gaar ahaana Caasimadda dalka ee Hargaysa Diyaar garaw xoogan oo loogu jiro Debaal Degga Xuska 18 May,oo bari looga dareeri doono Guud ahaanba Somaliland iyo Wadamadda Caalamkba.

Waxaana meel kasta oo aad istaagto dhegahaaga,indhahaagaba Buuxinaya Calanka Somaliland,Heeso Waddani ah oo Qiiro xambaarsan.wey adagtahay inaad aragtid Gurri Ama Gaadhi aanu ka Lulan Calanka Somaliland.

Waxa Wadooyinka Waaweyn ee Magaalada lagu xidhay Boodhadh waaweyn oo ay ku xardhan yihiin Hal-ku dhigyo lagu  soo dhaweynayo Maalinta Qaran ee 18 may.

Dadka ayaa waxay iskugu hanbayaynayaan Xuska Maalinta Weyn.Guud ahaanba Muqaalkii Magaaladda ayaa waxa uu usu badalay sidii oo ay tahay Magaalo aanad Garnayn.

Cimaaradaha waawey  ee klu soo jeeda Wadooyinka ayaa iyaguna waxay laydhadh wada-iftiimaya oo ay ka sameeyeen calanka Somaliland.

Caruur iyo Ciroolaba waxa loo wada Guclaynayaa sidii loo Iibsan lahaa Astaamaha Calanka Somaliland oo nocyo kala duwan loo sameeyay.

Dhinaca Amaanka waxa si aad ah loo xoojiyay Amaanka Magaaladda Hargaysa.waxa Wadooyinka lagu Daadiyay Ciidamo aad u tiro badan oo si xoogan u Hubaysan.waxaana midh midh loo baadhaya Gaadiidka dadweynaha noocyadooda kala duwan.

In aad u kala socdaasho meel 1Km isu jirta,adigoo gaadhi wata waxay kugu qaadaynaysaa ugu yaraan 30 Daqiiqo.ma aha mid kala sooc leh Baadhitaanka Ciidamadda Amaanku ka Wadaan Guud ahaanba Somaliland,gaar ahaana Caasimadda dalka ee Hargaysa.waxaana ay gaadhay heer  xataa Basaska Dadweynaha dadka la dajinayo,ka dibna la baadhayo.

Waxaana  badiba Magaaladda lagu xidhay Cod-baahiyayaal ay ka baxayaan Heeso Waddani ahi.

Goor hore oo maanta waxa Wadooyinka Waawyn si rasmi ah uga bilaabay Dabaal Degga iyo Fantasiyaha Maalintii ay soo Somaliland ka dib dagaal qadhaadh oo ay la gashay Dawladii Milatariga ahayd ee Maxamed Siyaad Barre.

 

SDN/QJ-Hargaysa

daacad@qurbejoog.com

contact@somalidiasporanews.com

 

Comments are closed