|

Wasaaraddo Ku Tartamaya Qurxinta Dhismayaashooda Oo Habeenkii U Eeg Duni Kale

ciyaaraha17,May,2014(SDN/QJ)- Dhismayaasha wasaaradaha magaaladda Hargeysa ku yaal ayaa ku tartamaya qurxinta iyo nashqadeynta wasaaradahoogii oo habeenkii ay ku xidheen laydhadh aad u qurux badan, isla markaana si fiican indha usoo jiidanay.

Laydhadhkan oo qaabab kala duwan loogu xardhay ayaa qaar loo eekaysiiyey doonyo halka qaarkood kubaddo laga dhigay, taas oo la moodo marka aad agmarayso inaad caalam kale oo aan Hargeysa ahayn dhex joogto, waxaanay taasi sababtay inay dadweynuhu usoo daawasho tagaan qaarkoodna sawiro ku galaan wakhtiyadda habeenkii, maadaama oo ay u eegtahay goobo dalxiiso loogu tallogalay.

Wasaaraddaha u dhow dhow madaxtooyadda sida Wasaaradda Dhallinyarada ciyaaraha, Maaliyadda, Waxbarashadda, Arrimaha gudaha, Wakaaladda Biyaha iyo Madaxtooyada ayaa si farshaxnimo leh loogu jarjaray laydhadh u eeg calanka Somaliland, isla markaana loo dhigay qaab iftiin iyo soo jeedashaba leh.

Sidoo kale, badhtamaha suuqa ayaa laga dareemaya sawaxan iyo xidhiidhi sida looga bartay wakhtiyada Ciidda , waxaana dhamaan suuqa hareerahooda lagu dhisayey maryo laga sameeyey calanka oo loogu talogalay inay dadku xidhaan, kuwaas oo iskugu jira Toobabka noocyadooda kala duwan, surwaaladda iyo shaadhadh iyo waliba dharka caruurta, iyagoo qoysaskooda ay caruurtku ku qasabtay in loo iibiyo dhawr iyo astaamaha calanka, waxanay taas suuq u sii badisay ganacsatada ka ganacsatada astaamaha iyo maryahaha calanka laga sameeyo.

Iyadoo aad moodo marka aad agmarayso inaad caalam kale oo aan Hargeysa ahayn dhex joogto, waxaanay taasi sababtay inay dadweynuhu usoo daawasho tagaan qaarkoodna sawiro ku galaan wakhtiyadda habeenkii, maadaama oo ay u eegtahay goobo dalxiiso loogu tallogalay.

Axmed Muxumed jicsin oo ka mid ah dhalinyaradda ka baayacmushatareeya astaamaha qaranka iyo karamadda lagu qoro astaamaha iyo sawiradda madaxweyneyaaaasha ayaa sheegay in toddobaadyadii u dambeeyey aanay habeen iyo maalin nasin, isla markaana sefaf loogu jiro dalabyadda qalabkan ay iibiyaan, waxaanu yidhi “labaddii toddobaad ee u dambeeyey waxaanu kala horaynay dadweynaha naga dalbanaya karamadda laabta ay kaga qorantahay astaanta qaranka iyo sawiradda madaxweynayaashii soo maray iyo astaamaha kale ee calanka oo siyaabo kala duwan loo sameeyey, kuwo baabuurta lagu dhajiyey iyo  kuwo la sudhaba”

 

Waxa iyaduna xusid mudan in guryaha dhaadheer ee fooqyadda loo yaqaan ee ka ag dhow suuqyada la sudhay calanka Somaliland oo dhererka dhismaha lagu sargooyey, taas oo quruxdii dhismaha macno balaadhan iyo in indhaha dadweynuhu ku bataan usoo jiiday.

Si kastaba ha ahaatee, sanadkan ayaa dadweynuhu si weyn ugu diyaar garoobayaan dabaal dega sanad guuraddda 23 aad ee madax banaanidda Somaliland, waxaana dhaqaale fiican ka soo galeen meheradda iibiy astaamaha iyo kuwo tollo dharka calanka.

 

 

Xigasho:Wargeysa Saxafi

SDN/QJ-Hargaysa

daacad@qurbejoog.com

contact@somalidiasporanews.com

 

 

 

Comments are closed