Rumaankii Masuuliyiinta Haatuf Oo Maanta ku Eg iyo Garsoorka Oo laga Sugayo Halkii Looga Gudbi lahaa
Hargeysa:May,17,2014(SDN/QJ)-Waxa maanta oo Sabti ah ku Eg Muddadii Toddobada Cisho ahayd ee Maxkamadda Gobolka Hargeysa ay rumaanka u dirtay Masuuliyiinta Wargeyska Xayiran ee Haatuf, iyadoo Maxkamadda laga sugayo halkii looga gudbi lahaa Muddada Toddobaadka ah ee Haatan dhammaatay.
Masuuliyiinta wargeyska Haatuf ayaa maxkamadda Gobolka Hargeysa ay muddo Toddobaad Rumaan ah ku xukuntay, waxana Maanta la filayaa inay Kiiskoodii dhegaysato, isla-markaana Xadhigooda Sii Xalaalayso amaba xorriyadooda u soo celiso.
Labada Masuul ee ugu sarreeya wargeyska Haatuf, ayaa haatan muddo Toddobaad ah u xidhan Kiiska lagu haysto oo la xidhiidha Eedo musuqmaasuq oo ay u jeediyeen Masuuliyiin xukuumadda ka tirsan, waxana la filayaa in kiiskooda la sii gudo geli doono.
Inkastoo maanta Gebi ahaanba Somaliland si weyn looga dareemayo Gudo-galka munaasibadda 18-Ka May, haddana Haddii aanay maxkamaddu xadhiga Masuuliyiintan wax ka beddelin waxa ay noqonaysaa inay xidhnaan doonaan Xadhig Sharci darro ah, maadaama wixii Toddoba cisho ka badani ay tahay xaaraan.
Lama Garan karo Tallaabada ay Maxkamadda Gobolka Hargeya Maanta ka qaadan doonto kiiska Masuuliyiinta Wargeyska Haatuf, iyadoo meelo badan oo caalamka ka mid ah looga soo jeedinayo dhaleecayn iyo cambaarayn lagaga soo horjeedo xadhiga Masuuliyiintan oo la xidhay ka hor intii aan kiiskooda la dhegaysan ama la furin.
Masuuliyiinta Wargeyska Haatuf ayaa lagu Haystaa Eedo ay ka qoreen Wasiiro iyo xubno kale oo Madaxtooyada ku xidhan, kuwaas oo Waraaqo ay maxkamadda ka soo qaateen ku xayiray Wargeyskii Haatuf, isla-markaana Haatan Xabsiga dhigay Guddoomiyihii iyo Tifaf Tirihii Guud ee Wargeyska Haatuf.
SDN/QJ-Hargeysa