|

Wasiir Xaglo-toosiye Oo Ka Hadlay Dilkii Deegaanka Buuhoodle

Caynaba:May,17,2014(SDN/QJ)-Wasiir Caglo-toosiye oo ka hadlayey Munaasibad uu Maamulka Caynaba ugu  wareejinayey Gaadhi Abulance ah, ayaa  wax laga  xumaaday ku tilmaamay falalka dilka ah ee Deegaanadaas ka dhacay.

TSOOWasiirka ayaa dilka ka dhacay Deegaanadaas ku tilmaamay mid siyaasadaysan, maadaama Kooxda ka soo Horjeedda joogitaankiisu ay ku lug  lahaayeen in Beelahaasi isku dhacaan.

Wasiirka oo Arrimahaas ka hadlaya ayaa yidhi, “  waxan tacsi u dirayaa guud ahaan dadka ku dhaqan Gobolka Buuhoodle iyo Nawaaxigeeda, inaan cambaareeyo ciddii ka shaqaysay dilkaas Foosha xun ee Fulaynimada ah ee Siyaasadaysan, dadka deegaankan-na waxan  ku Boorrinayaa inay ku samraan sidii looga Bixi lahaa Dilkaas Siyaasadaysan” ayuu yidhi wasiir xaglo-toosiye.

Hadalka wasiirka ayaa ku soo beegmaya xilli ay xaalad colaadeed ka taagan tahay Deegaanka Buuhoodle iyo qorilugud dhexdooda, iyadoo kooxaha Nabad-diidka ee Deegaankaasi  ku Hawllan yihiin sidii ay mar kale xiisad colaadeed uga dhex abuuri lahaayeen Beelaha walaaha ah ee Halkaas Wada Dega.

 

 

SDN/QJ-Hargeysa

timo@somalidiasporanews.com

 

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed