|

Hanjabaada Hogaamiyaha Alshabaab,Qaraxyo ka dhacay Nairobi iyo Digniinta Dunnida Reer Galbeedka

Nairobi 16.May 2014 (SDN/QJ)- Ugu yaraan afar qof ayaa ku dhintay laba qarax oo maanta ka dhacay suuqa Gikomba oo ku yaalla magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya, tiro kaloo bandanna waxaa ka soo gaadhay dhaawacyo kala duwan.

images-4Qaraxyadan ayaa ku soo beegay digiin maalin ka hor ay bixiyeen sirdoonka dalalka reer Galbeedka oo dalka Kenya uga digtay inay ku soo fool leeyihiin Weerarro argagixiso oo lagu soo qaada dalkaas isla markaana ay sheegeen in lagu bartilmaameedsan karo magaalo xeebeedka Mambasa,halka Hoggaamiyaha kooxda Al-Shabaab Axmed Cabdi Godane uu isna dhankiisa hanjabaad u diray dawladda Kenya oo uu sheegay iay uga aar gudayaan dhibaatooyin uu sheegay inay dawladda Kenya ku hayso Musimiinta.

“Weerarkii qaraxa ahaa ee ugu horreeyay ayaa waxaa la sheegay in lagu tuuray gaari kuwa dadweynaha ah (Matatu) oo ay saarnaayeen 14-qof, qaraxa labaad ayaa isna lala beegsaday suuqa Gikomba, waxaana ku dhintay afar qof labada qarax,” ayaa lagu yidhi warbixin hay’adda musiibooyinka Qaranka Kenya.

Hay’adda ICRC ee dalka Kenya ayaa iyaduna warbixin ay soo saartay ku sheegtay inay 10-qof oo dhaawacyo qaba geystay isbitaallada Kenya, iyadoo aan la ogeyn tirada dadka ay waxyeellada kasoo gaartay qaraxyadan.

Qaraxyadan maanta ka dhacay Kenya,ayaa ah qaar ku soo beegmay laba farriimood oo ka kala yimi Ingiriiska iyo Al-Shabaab oo midna weerarro ka digaysay midna hanjabaad weerraro ay xambaarsanayd isla markaana ku wada socday dala Kenya.

Nairobi SDN/QJ.

contact@qurbejoog.com

contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed