C.raxmaan Faroole Madaxweynihii Hore ee Punt land oo Talyaaniga Ku Sugan,Kana hadlay Nidaamka Federaalka Somalia
Roma 16.May 2014 (SDN/QJ)- Madaxweynihii hore ee Puntland C.raxmaan Faroole ayaa ka jeediyey Jaamacadda Roma3 ” Universita degli Studi Roma3″ Xarunta Cilmi Barista Somalia (Centro Interdipartimentale di Studi sulla Somalia). Mowduca Nidamka Federalka Somalia (Stato Federale:Teoria e Fattibilita’) .
Waxaa ka soo qaybgalay munaasabdaan, qaarkoodna hadala ka jediyayay mauducaaan ku saabsan nidaamka Federaalka Somalia, Professoro ka tirsan madaxda Jamacadda, , Siyasiyiin, Diplomasiyiin, Madax Dawladda Talyaniga ka socota, Madax Heyada kale, sida madaxa hay’ada AMREF International, aqonyahanno Somali ah, Safaradda Somalida iyo dadweyne kale.
Khudbadda waxaa lagu akhriyay afka Talyaniga iyadoo afaf kale-na lagu tarjumay., waxaana mowduucaana aad uga hadley madaxda Jamacadda iyo Madaxkale ee ka soo qaybgashey.
Dhinaca kale Madaxweynuhu intuu ku sugna wadanka Talyaaniga magaalo madaxdiisa Roma, wuxuu la kulmay Taliyaha Guud ee Cidamada Talyaniga (Capo di Stato Maggiore della Difesa – Amm. Luigi Binelli Mantelli). Wuxuu kaloo Wasarradda Arrimaha Dibedda kula kulmay Ministro Pleninipotenziario, Direttore Centrale Africa Sub-Sahariana oo ah ninka mashariicda Puntland Talianigu ka hirgeliyay buddhigaha u ahaa. Raffaele de Lutio.
Madaxweynhii hore ee Puntland Dr. Farole wuxuu aad uga mahadceliyay madaxdaas sidii ay ula shaqeeyeen xilligi uu Puntland madaxda ka ahaa iyo tageerada ay siyaan Somalia gaarahaan Puntland. Wuxuu sidoo kale uga mahadeceliyay madaxda dowlada Talyaaniga si bini’aadnimada leh oo ay u qaabilaan dadka badda isku soo tuuray oo qaxootiga Afrikaanka ah gaar ahaan Somalida, isagoo ka codsaday iney ardeyda ku jirta ee Somalida ah ay kuwa wax baran kara ay tageero waxbarasho siiyaaan si ay berrito Somalia ugu soo noqdaan iyagoo wax yaqaan.
Taliyaha Guud ee Ciidamada Talyaaniga Luigi Binelli Mantelli ayaa uga mahadceliyey Madaxweynihii hore ee Puntland intii uu joogey xafiiska sidii amniga gobolka uu uga shaqeeyey gaar ahaan la dagaalankii burcadbadeedka kuwaasoo afduubka u gaysan jirtey maraakiibta caalamiga ah ee isaga gooshta xeebta Somalia.
Halka sarkaalka sare ee ee ka tirsanaa Wasaarada aarimaha dibada Talyaaniga Raffaele de Lutio uga mahadceliyey Madaxweynihii hore ee Puntland sidii xilka u wareejiyey islamarkaana u suurtagaliyey doorashadii Puntland ka dhacdey 8 Jan,2014.
Raffaele de Lutio ayaa u sheegey Dr.Farole in dowlada Talyaaniga iyo guud ahaan wadamada Yurub aad loola yaabey go’aankii Madaxweynhii hore ee Puntland qaatey markii looga guuleystey doorashadii 8 Jan,2014 hal cod oo kaliya taasoo aan aheyn mid ka dhacda wadamada Africa iyo guud ahan dunida sadexeed.
Roma SDN/QJ
contact@qurbejoog.com
contact@somalidiasporanews.com