Madaxweynaha Somaliland Oo Maanta Shacabka Reer Hargaysa Kala Qeyb Galay Tukashada Salaadii Jimce SAWIRO
16,May,2014(SDN/QJ)-Madaxweynaha Jamuuriyadda Somaliland Md.Axmed Maxamed Maxamuud Siilanyo,ayaa maanta oo Jimce ah qaar ka tirsan Dadweynaha reer Hargaysa kula tukaday Masaajidka Rusheeye,ee Badhtamaha Magaaladda Hargaysa.
Madaxweynaha ayaanay Habayaraatee aanay la socon Ilaaladiisa gaar ka ahi.waxaana Masaajidka Ku soo dhaweeyay Madaxweyna iyo Madaxda kale ee la socotay Imaamka Masaajidka Rusheeye Sh: Maxamed Sh: Cumar Dirir.
Waxaana wehelinayay Madaxweyna Saraakiil ay ka mid ahaayeen Wasiirka arimha Gudaha,Taliyaha Booliska,Xildhibaan Nac-nac,Maayar ku-Xigeenka Magaaldda Hargaysa iyo Xubno kale.
Madadweynaha ayaa markii uu soo dhamaystay Tukashadda Salaadda waxa uu Socod lug ah ku maray Waddada wadnaha ah ee badhtamaha Magaaldda Hargaysa.
Ma aha markii ugu horaysay ee Madaxeynehu uu kala qeyb qaato Tukashadda Salaadda dadweynaha reer Somaliland.
SDN/QJ-Hargaysa
contact@somalidiasporanews.com