|

Askarta Ka Goosaynaysa Ciidanka Qaranka Kenya Oo Xadka Ka Baxday Iyo Tirada la La’yahay oo La Shaaciyey

Nairobi:May,16,2014(SDN/QJ)-Tallaabadii Ciidanka Kenya ay ku Galeen Somalia, ayaa wax badan ka beddeshay Niyadda iyo Kalsoonidii ay ciidanku ku qabeen Ciidan-nimadooda, waxana tiro badan oo ka mid ahi Go’aansadeen inay ciidanka ka baxaan.

kekeeSida uu sheegay qareen sare oo Dawladda ka tirsani, waxa tan iyo Sanadkii 2011-kii Ciidanka Kenya ka Goostay oo ka baxsaday ugu yaraan 800 askari, kuwaas oo ka  cararay Cadaadiska iyo warwar ay ka qabeen in loo diri doono Somalia oo ay joogaan kooxo ciidamada si xoog ah u gaadhsadaa.

Alex Muteli oo matalaya maxkamadaha milateriga ayaa sheegay in 800 oo askari ay shaqada ka carareen tan iyo markii Kenya ay gashay Soomaaliya, taasina ay muujinayso inaanay ciidanka Kenya diyaar u ahayn inay galaan colaadda ka oogmaysa somalia.

Wuxuu ku baaqay in ciqaab adag la mariyo ciidanka baxsanaya si aan loo waxyeelleyn niyadda kuwa ku sugan Soomaaliya ee dagaalka kula jira Al-Shabaab.

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contat@somalidiasporanews.com

Comments are closed