|

Madax-dhaqameedka Beesha Bariga Burco Oo Kali Ku Noqday Aamsunaanta Tallaabada Xukuumaddu Ku Xidhay Masuuliyiinta Wargeyska Haatuf

Hargeysa:May,16,2014(SDN/QJ)-Wax-garadka iyo Madax-dhaqameedka Beesha Bariga Burco  ee uu ka soo jeedo Madaxweyne Siilaanyo, ayaa  ka cago jiidaya inay ka hadlaan Tallaabada ay xukuumadda madaxweyne Siilaanyo xabsiga ugu taxaabtay Masuuuliyiina wargeyska Haatuf, isla-markaana wali ku Haysato xaruntii wargeyska Haatuf ee Magaalada Hargeysa.

buuerSidoo kale Siyaasiyiinta Beesha ayaan iyaguna wali wax jawaab ah ka bixin Arrintan, iyadoo waliba Xadhiga Masuuliyiintan loo Tirinayo inay ka dambeeyaan Xubno Xukuumadda Ka tirsan oo ka soo jeeda Beesha Madaxweyne Siilaanyo.

Madax-dhaqameedka Ugu magaca dheer Beesha Bariga Burco oo ah Boqor Cismaan Buur-madow ayaa isagu ka hor intii aan la xidhin Wargeyska Haatuf si cad u sheegay in Warbaahinta Madaxa Bannaan ee Somaliland  ay si gaar ah wax uga qorto wasiirrada ka soo jeeda Beesha Bariga Burco oo aanay soo Hadal qaadin kuwa Beelaha kale ka soo jeeda, waxana ay taasi caddaynaysaa inuu Dagaalka Xukuumaddu waddo uu qayb libaax ka yahay.

Inkastoo ay jiraan Siyaasiyiin ka madax bannaan xukuumadda Siilaanyo oo macquul ahi, haddani wali arrintan taagan oo si gaar ah loogu nisbaynayo Beesha kama ay odhanin kalmad ku haboon, iyagoo xataa aan wali si  dhexdhexaad ah uga hadlin arrintan.

Boqor Cismaan oo xilli hore ahaan jirey Xubin si weyn uga soo horjeedda Xukunka Siilaanyo, isla-markaana taariikhda Gashaday Hadalladii ugu xumaa ee Qof Madax-dhaqameed sheeganayaa uu ku hadlo, ayaa muddooyinkii ugu dambeeyey mus-dambeed difaac ah u noqday Xukuumadda madaxweyne Siilaanyo, waxana uu haatan ka mid yahay shakhsiyaadka sida weyn ugu hawllan inay madaxweynaha ku qanciyaan inuu mar kale talada isku soo taago.

 

Ilaa hada ma jiro madaxdhaqameed iyo siyaasi kaliya oo ka soo jeeda beesha Habar Jeclo oo ka hadlay xayiraada iyo xadhiga xukuumada Siilaanyo iskugu daray Haatuf iyo Hubaal, iyadoo la ogyahayna in xisbiyada mucaaridka ah ee Wadani, Ucid iyo ururada xuquuqul iinsaanka iyo madaxdhaqameedyo tiro badan oo ka soo jeeda beelaha Somaliland ay cambaareeyeen talaabada qalafsan ee sharci darada ah ee madaxweyne Siilaanyo iyo xukuumadiisu ay ku cabidhisay saxaafada madaxabanaan.

In badan oo ka mid ah Bulshada kale ee Somaliland ayaa wali is weydiinaya sababta keentay in dhammaanba madax-dhaqameedka Beeshaasi ay isku raacsan yihiin aamuska Arrintan, waxana Aasnaantooda loo qaatay kaliya inay muujinayso inay raalli ka yihiin dhacdooyinka Noocaas ah ee Xukuumaddani ku  caan Baxday.

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contat@somalidiasporanews.com

Comments are closed