|

Britain Oo Aan Wax Qaad ah Lagu Arki Doonin Wixii Ka Dambeeya1-da July ee Sanadkan

London:May,16,2014(SDN/QJ)-Aqalka Baarlamaanka Waddanka Britain, ayaa Maandooriyaha Qaadka  Dalkaasi ka mamcuucay wixii ka dambeeya 1-da Juli ee Sanadkan 2014.

miirooAqalka Sare ee UK ayaa Todobaadkan ansixiyay Go’aanka Dowladda UK ay ku mamnuuceyso Qaadka, wuxuuna Qaadku Mamnuuc  Noqonayaa Marka la gaadho Bilowga Bisha Toddobaad ee Sanadkan aynu ku jirno.

Qaadka soo gala Dalka Britain oo ay isticmaalaan bulshooyinka kala duwan sida Soomaalida ama Yamaniinta ayaa waxaa laga keenaa bariga Dalka Kenya, waxana ay Kenya halkaas ka heshaa dhaqaale xad-dhaaf ah.

 

Dowladda Britain ayaa Qaadka barbar dhigeysa Daroogada kale ee Halista ku haysa Bulshadeeda, taas oo lagu ogaaday inuu dib udhac ku keenayo dadka isticmaala.

 

Sida ay  BBC-du sheegtay Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Kenya ayaa hordhigay Baarlamaanka Mooshin ay ku dalbanayaan in beeraleyda British-ka ah laga Mamnuuco Gobolka Meru ee bariga Kenya ee qaadka laga soo saaro.

 

Ganacsatada Maandooriyaha Qaadka ee Dalka Kenya ayaa dhawaan sheegay in ay Dacwad ka dhan ah xayiraaddii ay Dowladda Britain kusoo rogtay Qaadka ay u gudbinayaan Maxkamadda Cadaaladda ee Midowga Yurub.

 

Dacwadan oo ay Maalgalineyso Dowladda Kenya ayaa Ganacsatada waxay Qorsheynayaan in ay u gudbiyaan Maxkamadda European Court of Justice.

 

Kimathi Munjuri oo sheegay in uu yahay Af-hayeenka Ganacsatada Qaadka ee Kenya ayaa sheegay in ay Dowladda Britain la tagi doonaan Maxkamadda ugu sareysa ee Cadaalada Midowga Yurub.

 

Munjuri oo iska leh Shirkad ka Ganacsata Qaadka ayaa Go’aanka Dowladd Britain ku tilmaamay mid Burburinaya “Qoysas badan”, wuxuu sheegay in joojinta Qaadka ay saameyn weyn ku yeelatay Nolosha Ganacsatada Qaadka dhoofisa ee Kenya.

 

Kenya ayaa Bishii ku dhawaad 90 Tan oo Qaad ah u dhoofin jirtay Dalka Ingriiska.

 

Qiimaha Qaadka ay Kenya u dhoofiso Ingiriiska ayaa lagu qiyaasay in uu la egyahay 2 Bilyan oo Shilin ($24 Milyan oo Dollar) sannadkiiba.

 

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contat@somalidiasporanews.com

Comments are closed