Sevilla Oo Rigoorayaal Ku Qaadday Koobka Eurpa League iyo Sanadkan Oo Noqday Midkii Spain
Torina:May,15-2014(SDN/QJ)-Kulan adag oo ahaa Finalka Europa League oo lagu qabtay garoonka Juventus ee magaalada Torino oo ay fooda is dareen Benfica iyo Sevilla ayaa 90-kii daqiiqo oo loogut galo galay kusoo gaba gaboobay 0 – 0 waxaana sida caadadu tahay lagu daray 30 daqiiqo oo dheeri ah balse natijada ciyaartu waxba iskama badalin.
Qiimeynta: Ciyaarta Xalay waxaa sida badan aad u gacan sareysay kooxda Benfica, waxaana ka muqday diyaar garoow aad u sareeya waxayna lumiyeen fursado badan oo goolal lagu dhalin karay.
Ninkii dadaalaa wuu gaadhaa waxaa meesha ka maqnayn in Sevilla ay difaac adag ka gashay weerarada halista ah ee Benfica waxayna ku ciyaaraysay qaabka ku dhufoo ka dhaqaaq.
Sevilla laftooda dab yar ma shidin oo waxay heleen fursado gaadmo ah oo ay la kor tageen goolka Benfica balse uma suuragalin ineey gool keensadaan.
Si kastaba ha ahaatee rigooreyaashii la dhigay ayaa Sevilla ku adkaatay 4 halka Benfica laga ciyaaryahan ay fursadooda qasaariyeen ka dib markii uu dhuunta u galay goolahayaha Sevilla Beto. Rigoorayooyinka waxaa laga qabtay Oscar Cardozo iyo Rodrigo.
Geesiga ciyaarta ayaa ahaa goolhaye Beto, Sevilla ayaa sedex jeer qaaday koobkan European Cup-ka mudo sideed sanno gudahooda ah, Waxyaabaha cajiibka ah ayaa noqday in sideed jeer oo Benfica ay timi ayaa laga qaaday.
Kulanka xalay ayaa waxaa goob joog ka ahaa Tababarihii hore ee Manchester United Sir Alex Ferguson oo uu hareer fadhiyey tababaraha Juventus tababare Conte.
Rigoorooyinka waxaa loo kala dhaliyey sidan:
Dhamaad: Europa LeagueSevilla 4 – Benfica 2
Gool!Europa League Sevilla 4 Benfica 2 Kevin Gameiro 127′
Gool!Europa League Sevilla 3 Benfica 2 Luisão 126′
Gool!Europa League Sevilla 3 Benfica 1 Coke 125′
Gool!Europa League Sevilla 2 Benfica1Stéphane Mbia 124′
Gool!Europa League Sevilla 1 Benfica 1 Carlos Bacca 122′
Gool!Europa League Sevilla 0 Benfica 1 Lima 121
Labada koox waxaa uwada saftay:
Sevilla: Beto, Coke, Pareja, Fazio, Moreno, Mbia, Carrico, Reyes (Marin 78) (Gameiro 104), Rakitic, Vitolo (Diogo Figueiras 110), Bacca.
Keydka: Javi Varas, Fernando Navarro, Iborra, Trochowski.
Benfica: Oblak, Maxi Pereira, Luisao, Garay, Siqueira (Cardozo 99), Ruben Amorim, Gomes, Gaitan (Ivan Calvaleiro 119), Sulejmani (Andre Almeida 25), Lima, Rodrigo.
Keydka: Artur Moraes, Steven Vitoria, Djuricic, Jardel.
Garsooreha: Felix Brych (Germany)
SDN/QJ-
Contact@somalidiasparanews.com