Laba Ka Mid ah Haweenka Wasiirrada Ka ah Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo Oo Ku Dhex Dagaallamay Marwada Koowaad Horteeda iyo Sababta Keentay
Hargeysa:May,15,2014(SDN/QJ)-Waxa uu Dagaal Gacanta la isula Tegi Gaadhay Maalintii shalay Xarunta VIP-da Garonka Cigaal Internaional Airport ku dhex maray Wasiirka Deegaanka Shugri Xaaji Baandare iyo Wasiir-ku-xigeenka Caafimaadka Nimco Xuseen Qawdhan.
Sida ay Qurbejoog.com u sheegeen Xubno Xilligaas Joog-joog ka ahaa dhacdadaasi, waxa Dagaalkani Bilaabmay xilli ay labadan masuul iyo Raxan Kale oo Xaawalayda Madaxtooyada ku xidhan ahi ku Hawllanaayeen Soo Dhaweynta Marwada Madaxweynaha Somaliland Aamina Sheekh Maxamuud Jirde oo Halkaas ka soo Degaysay.
Dagaalka ayaa ka Bilaabmay Aflegaaddo ka Timi Wasiir-ku-xigeenka Caafimaadka oo six un wax uga sheegtay Sharafta iyo karaamada Marwo Shugri Xaaji Baandare oo iyaduna aad uga xanaaqday Afxumada loo geystay, isla-markaana jawaab ka bixisay.
Afka ayaa la sheegay inuu Markiiba duulay, isla-markaana ay labada Haween ahi ku sigteen inay Gacmaha isula tagaan, waxase ku kala guntaday Haween kale oo Boqolaal Gaadhayey oo Halkaas ugu diyaar garoobayey Soo Dhaweynta Marwada.
Marwo Nimco xuseen ayaa la sheegay inay kusii socotay Aflegaaddada iyo Cayda Marwo Shugri, taas oo keentay in markii dambe xataa ay marwadu canaan dusha ka saarto oo runta loo sheego, inkastoo aanay garwaaqsanin.
Marwo shugri oo ka mid ah Haweenka ugu Afka gaaban ee Xilalka ka haya Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo, ayaan inta badan kusii tiigaalin, jawaabo baddanna ka bixinin hadallo aflegaaddo ah oo sida Mawjadda uga soo Burqanayey Afka Nimco xuseen Qawdhan.
Arrinta labada Haween ah isku Geysay ayaa salka ku Haysay Soo Xulidda Xubnaha Golaha Dhexe ee Xisbiga Kulmiye oo Haweenka Awoodda ku dhex leh Madaxtooyada oo Nimco xuseen kaw ka tahay ay doorkooda ka ciyaarayaan, maadaama uu jiro shaki ah in Madaxweynaha laga awood badan doono Golaha dhexe oo ah Meesha musharaxa madaxweynenimo laga soo dooran doono.
Dagaalka ay haweenka ay saaxiibka dhaw yihiin marwada koowaad ayaa keenay inay dhexdooda kala shakiyaan, iyadoo Marwo Shugri laga, , dhigayey mid ka soo jeedda Dhinaca Guddoomiye Muuse Biixi oo isaga qudhiisu ku Hawllan dagaal hoose oo uu la galayo madaxtooyada.
Marwo Shugri ayaa ka mid ah Wasiirrada ugu waxqabadka badan xukuumada madaweyne Siilaanyo, iyadoo intii ay xilka haysayna ku tallaabsaday Waxqabad badan oo la taaban karo, sidoo kalena taariikhda ku gashay Ururkii Daryeelka Deegaanka Candle Light oo ay in badan gacanta ku hayn jirtey.
Siddoo kale marwo shugri inta badan iskuma Hawsho arrimaha Guulwdaynta iyo u raxlaynta Masuuliyiinta Madaxtooyada Awoodda ku leh, waxana ay taasi keentay in Marwada koowaad agteeda lagu xanto iyadoo laga dhigayo inay ku maqan tahay dhinaca kale eek a soo horjeeda ee uu Muuse Guddoomiye.
Dhinaca kale Marwo Nimco Xuseen oo tan iyo intii ay xukuumaddani jirey Xilka Haysay, ayaa Saaxiib dhaw la ah Marwada Madaxweynaha, waxana inta Badan lagu Xasuustaa Khilaafyo isdaba joog ah oo soo kala dhex maray Wasiirkii hore ee Wasaaradda Caafimaadka Xuseen Xoog iyo waliba Midkan cusub ee Haatan Saleebaan Xaglo-toosiye oo ay in badan isku qabteen Arrimo dhinaca Maamulka iyo awoodda shaqada la xidhiidha.
Wali lama sheegin wax xal ah oo laga gaadhay Khilaafka Labada Masuul, marka laga Reebo isku day ay Marwada koowaad ugu sheegtay inay joojiyaan jaafaa-jiriqa iyo yooyootanka aan macnaha ku fadhiyin, waxana ay Markii dambe Goobta ka baxeen iyadoo xaaladoodu wali sidii tahay.
SDN/QJ-Hargeysa
Contact@somalidiasparanews.com