|

Al-shabaab Oo Bogaadiyey Tallaabada Lagu Af-duubay Habalaha Reer Nigeria ee Boko Xaram Gacanta Ugu Jira

Bardhere:May,15,2014(SDN/QJ)-Xarakadda Al-shabaab ee ka dagaallanta Somalia, ayaa la sheegay inay Hambalyo u direen Kooxda Boko Xaramka Nigeria, oo dhawaan in ka bdaan 200-gabdhood  oo ay Afduub u haysteen islaamiyey.

shabaaaaaaa Wargeyska Enca report, ayaa qoray in Afhayeen u hadlay Xarakadda Alshabaab sheegay in Gabdhahaasi Ciyaal-iskuulka ah rabitaankooda uga soo tageen Dugsigooda, si ay ugu biiraan Kooxda Boko Xaraam, oo iyagu ka soo horjeeda Waxbarashadda Reer Galbeedka.

 

Afhayeenka Alshabaab waxa uu ku eedeeyey Dowladaha Reer Galbeedka inay baahinayaan dacaayad la xidhiidhay inay Kooxda Boko Xaram soo afduubteen gabdhahaasi.

 

Waxay Kooxdaasi soo bandhigtay Cajallad Video ah oo muujinayo in ugu yaraan 130-gabdhood oo ka mid ahaa gabdhihii la sheegay in dhawaan la afduubtay, kuwaasi oo soo islaamay, isla markaana watay  labiska haweenka Islaamka xidhaan iyo iyagoo  salaadda tukanaya.

Arrintan ayaa ku soo Beegmaysa xilli inta badan beesha caalamku ay cambaaraynayso Tallaabada ay kooxdani ku afduubeen Hablahan Da’yarta ah oo muddo bil ka badan ku jira Gacanta Kooxda Haysata ee Boko Xaram.

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasparanews.com

Comments are closed