Dawladda Xasan Sheekh Oo ka Muraara-Dillaacsan Xafiiska Kenya Hargeysa Ka Furan Doonto, Dacwadna Gudbisay
Nairobi:May,15,2014 (SDN/QJ)-Dawladda Federal-ka ah Somalia ee uu Hoggaamiyo Xasan Sheeekh Maxamud, ayaa la sheegay inay si aad ah uga cadhootay Tallaabada ay Kenya ku doonayso inay Xafiis Diblomaasiyadeed kaga Furato Xarunta Somaliland ee Hargeysa.
Wargeyska The Star ee ka soo baxa magaalada Nayrobi ee dalka Kenya, ayaa cadadkiisii Salaasadii baahiyay in sababta ay dawladda Somaliya ugu yeedhatay safiirkeedii Kenya joogay Maxamed Cali Nuur (Ameeriko), oo markii hore loo fasirtay inay la xidhiidho xadhig loo gaystay diblomaasi safaaradooda ka tirsan, ay hadda cadaatay in sababta loogu yeedhay ay ahayd cadho ay dowladda Soomaaliya ka qaaday laba xafiis oo ay dawladda Kenya ka furanayso magaalada Hargeysa ee Jamhuuriyadda Somaliland iyo magaalada Kismaayo ee maamulka Jubba, iyadoon waxba lagala socodsiin.
Wargeyska ayaa xusay inay dowladda Soomaaliya, gaar ahaan raysal wasaarahooda Cabdiweli Sheekh Axmed uu dowladda Kenya u qoray dhambaal uu kaga dalbanayay in la tixgeliyo.
Laakiin wargeysku ma uu raacin wax jawaab ah oo ay dawladda Kenya ka bixisay, balse wuxuu tilmaamay in jariiradu isku dayday inay la xidhiidho wasiirka arrimaha dibadda Kenya Aamina Maxamed, si wax looga weydiiyo xafiiska ay Kenya ka furanayso magaalada Hargeysa, taasina aanay suurtogelin, waxaanu tilmaamay inuu sidoo kale xidhiidho la sameysay saraakiil kale, kuwaas oo iyaguna ka gaabsaday inay ka hadlaan, xaasaasiyada ay arrintani leedahay darteed.
Hadalkan la sheegay inuu qoray wargeyska ka soobaxa dalka Kenya ayaa ku soo aadaya iyadoo Safiirka soomaaliya u qaabilsan dalka Kenya danjire maxamed Cali Ameeriko uu doraad sheegay in dowladda Kenya jawaab rasmi ah ka bixisay xadhiggii qun sulkii soomaaliya ee ay ciidamada Kenya xidheen.
Wali lama Hayo wax jawaab ah oo ay Kenya ka bixisay Dacwadda kaga Timi dhinaca Somalia, waxase La Hubaa inay Hawlaha ay Xafiisyada kaga Furanayso Kismayo iyo Hargeysa ay Meel Fiican marayaan oo dhawaan lagu Talo jiro in la furo.
Somaliland waxa Xafiis Diblomaasiyadeed ku leh Ethiopia oo wakhti sii Horraysay ka Furatay, balse Middaas marna Somalia kama ay Hadlin, lamase Fahmin waxa Haatan keenay inay Midka Kenya waddo ka qayliso.
SDN/QJ
Contact@somalidiasparanews.com