Yuhuudda Oo Sheegtay Inay Qeyb Ka Qaadan Doonaan Hawl galadda Samata-bixinta Hablaha la Afduubtay
12,May,2014(SDN/QJ)-Koox reer Isra’iil ah oo la sheegay inay ku takhasuseen la dagaalanka argegixisada ayaa la filayaa inay ku biiraan dadaallada lagu doonayo in lagu soo furto gabdhaha Nigeria ee la afduubay.
Kooxda Boko Xaraam ayaa sheegtay inay ka dambaysay afduubka gabdhaha.
Isra’iiliyiintu waxay ku biiri doonaan Maraykanka, Britain iyo Faransiiska oo horey u gaaray dalka Nigeria.
Madaxweynaha Nigeria Goodluck Jonathan ayaa sheegay in tani ay astaan u tahay in dunida oo dhan ay haatan ka qeyb qaadanayso badbaadinta gabdhaha la afduubay.
Balse wariyayaasha ku sugan Nigeria ayaa sheegaya in ka qeybqaadashada Isra’iil ee baadigoobka gabdhaha ay kala qeybin dooonto dadka reer Nigeria.
Goor sii horreysay ayaa guddoomiyaha gobolka Borno, ee gabdhaha laga afduubay, waxaa uu sheegay in gabdhaha loo kala qeybiyayay dhowr kooxood oo lagu hayo gudaha dalka Nigeria.
Lama oga waxay Talaabadan ay Israa’iiliyiintu qaadeen ay ku soo kordhin doonto hawl galadda Samatabixnitya Hablaha,iyada oo dadka u nuun daloola arimaha Kooxa Argagixisadda ah ee ka dagaalamaya Nigeria ay sheegayaan inay qaadeen Kooxdu talaabo kasta iyo wax kasta oo u suuro galinayay in sii wataa Haysashada Hablaha.waxaana wararkii ugu danbeeyay ee laga helayo Xaaladda Gabdhuhu sheegayaan in qaar badan o ka mid ah dalka laga saaray,oo lala tagay Wadamadda Jaarka la ah Nigeria.
SDN/QJ-Talaabiib
contact@somalidiasporanews.com