Badweynta Muqdisho Oo Uu Ku Dhintay Muwaadin Turki ahi
Muqdisho:May,12,2014(SDN/QJ)-Muwaadin u dhashay Dalka Turkiga ayaa sida la sheegayo ku geeriyooday Muqdisho kadib markii uu si kedis ah u galay Badweynta, ugan Gudbay Xeebta.
Muwaadinkan ayaa la sheegay inuu ku talo jirey inuu Booqdo Dhismaha uu Dalka Turkigu ka wado Agagaarka Dugsigii Tababarka Booliska ee School Police.
Dadkii goob joogga u ahaa dhacdada ayaa sheegay in ninka dhintay ee Turkish-ka ah iyo waliba nin kale oo Soomaali ahaa oo la socday in ay wada taagnaayeen Labadooda Kaabadaha ku teedsan Xeebta ku dhow xarunta School Polizio,waxaana la xusay in ay dul fadhiyeen labaduba dhagaxyada Jamalka ah ee ku teedsan Xeebta, waxaana muddo kadib laga warhelay in ninkani uu ku dhacay badda si kadis ah.
Ninkii la socday ayaa mar alle markii uu ka war helay in ninkii Turkish-ka ahaa ee uu la socday in uu ku dhacay badda ayaa waxa uu u qeylo dhaamiyay shaqaalaha turkish-ka ah ee ka howgalayay dhismaha, waxaana xiligaasi wixii ka dambeeyay lagu raadiyay ninkaasi Doomo nooca dheereeya ah balse lama soo helin meel uu jaan iyo cidhib dhigay.
Arrintaani oo naxdin iyo amakaag ku noqotay Turkish-ka jooga Muqdisho gaar ahaan kuwii dhacdada la socday ayaa waxaa loo soo sheegay abaaro salaadii Maqrib kadib in badda ay soo tuftay maydaka ninka Turkish ka ahaa ee baddu laqday waxaana laga helay maydkiisa sida ay goob joogayaal sheegeen xeebta Degmada C/casiis.
Ilaa iyo haatan si cad looma hayo sababta keentay in ninkaasi uu Badda ku dhinto, balse waxa la sheegayaa inuu si aan ku talo gal lahayn ugu dhacay Biyaha Badda oo markaa ka hooseeyey.
SDN/QJ
Contact@somalidiasporanews.com