“Markii uu Xilka qabsaday Kulmiye anigu waan u tegay Siilaanyo oo waxan ku idhi inagu maraykan ma nihine oo Beelaynu nahay, laakiin…..” Eng. Faysal Cali Waraabe
London:May,12,2014(SDN/QJ)-Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee Ucid Eng. Faysal Cali Waraabe, ayaa Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo ku Eedeeyey inay Eex iyo Kala sarraysiin dhinaca dadka deegaanka u ah Somaliland ku kacday.
Guddoomiye Faysal oo Waraysi gaar ah siinayey Tv-ga Universal, ayaa tilmaamay inuu Xisbiga Kulmiye Sunne Qalloocan dalka ka hirgeliyey markii uu xukunka qabsaday, taas oo ah inuu xukunka ku taxo dadkii uu u haystay inay Codkoosii siiyeen.
Guddoomiye Faysal waxa uu sheegay inaanu nidaamkaasi ahayn mid ku haboon Somaliland, sidaa daraadeedna uu talo ugu tegay madaxweynaha si uu arrintaas uga waaniyo, “Markii Dawladda La Samaynayey Xisbiga Kulmiye Somaliland Saddex Beelood baa Codkooda siiyey, Markii uu Xilka qabsadayna anigu waan u tegay Siilaanyo oo waxan ku idhi inagu maraykan ma nihine oo Beelaynu nahaye Beelihuhu bahasha haka wada muuqdaan, laakiin muu yeelin oo labadii Beelood ee ugu waaweynaa ama saddexdii Beelood ee Codka siinayey ayuu u badiyey.arrinaan dawladdan ayaa naga qarribtay sidii wax loo qaybsanayey,”ayuu yidhi Eng. Faysal cali waraabe.
Faysal Cali Xuseen waxa kale oo uu fara ku fiiqay sida ay eexda iyo sed-bursigu uga muuqdo Hannaanka ay u dhisan tahay xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo iyo waliba sida ay Beelaha darafyadu ugu qatan yihiin, waxana uu yidhi,
“Beelaha Hareerahana Haddii aad imika Eegtid Budget-ka Somaliland la siiyo Beesha dhexe Dadka masuulka ah ee jooga waa 97% inta kale 3% baa u hadhay oo wasaaradaha jooga, waana wax fool xun oo nagu ah calaamad xun, laakiin waxay ku kooban tahay Maamulka haatan xukunka haya”
Eng. Faysal ayaa inta badan ku dooda in shacabka Somaliland ay sinaan gaadhaan kana baxaan in la kala door bido oo la kala sarraysiiyo, balse wali taasi Somaliland kama ay hirgelin.
SDN/QJ
Contact@somalidiasporanews.com