Madaxweyne DDS Oo Isku Shaandhayn Ballaadhan ku Sameeyey Golihiisa Wasiirrada iyo Madax ka Tirsan Xukuumaddiisa
Jigjiga:May,12,2014(SDN/QJ)-Madaxweynaha Dawlad-deegaanka Ethiopia Cabdi Maxamuud Cumar ayaa isku-shaandhayn ku sameeyey Golihiisa Wasiirrada iyo Waliba Maareeyayaashiisii.
Madaxweyne Cabdi Maxamud, ayaa qaar ka mid ah Wasiirradiisii iyo Guddoomiyayaashii Degmooyinka isku Beddel Ballaadhan ku sameeyey.
Isku shaandhaynta ayaa sidan u dhacday,
1-Cabdi Geedi oo ahaa Guddoomiyaha Degmada Jigjiga wuxuu noqday maareeyaha Wakaalada Dakhliga
2-C/wahaab Rashiid oo ahaa Maareeyaha Horumarinta Wabiyada iyo Dooxooyinka wuxuu noqday Maareeyaha Kuliyada Cabdulmajiid(TTC)
3-Cabdi Xuseen(Sonkor) oo ahaa Guddoomiyaha Gobolka Shabeele Wuxuu noqday wasiirka Cadaalada
4-Guleed Aw Cali oo ahaa Maareeyaha Xafiiska Naqshada iyo Dabagalka Biyaha wuxuu noqday kuxigeenka Beeraha
5-Yaasiin Cumar oo ahaa kuxigeenka Dakhliga waxa uu noqday ku-xigeenka Beeraha
6-Maxamed Cabdi Xasan(Dhoodhe) oo Hore u ahaan jiray Gudoomiyaha Degmada wardheer wuxuu noqday kuxigeenka Hogaanka N/galyada iyo Cadaalada
7-Cumar Siyaad oo ahaa Wasiirka Dakhliga wuxuu noqday Maareeyaha Wakaalada Naqshada iyo Dabagalka Biyaha
8-Maxamed Cabdi Mawsar oo ahaa Gudoomiyaha Gobolka Nogob wuxuu Noqday Gudiga Dabagalka Xafiiska Madaxwaynaha
9- C/risaaq saxane oo hore u ahaa Mayorka Maamulka Magaalada Jigjiga wuxuu noqday Komishineerka Booliska DDSI
10-C/casiis maxamed cumar oo ahaa madaxa Maaliyada degmada raaso wuxuu noqday kuxigeenka Dakhliga
11-c/fataax sheekh cali caafi oo ahaa madaxa dabagalka Xafiiska maamulka wuxuu noqday ku-xigeenka Dakhliga
12- Wacays Maxamed oo ahaa Hormuudka Kuliyada TTC waxaa loo bedelay kuxigeenka TTC Qaybta Academic
13-ilyaas abiib oo ahaa kuxigeenka hormuudka TTC wuxuu noqday kuxigeenka TTC Dhinaca mmaamulka Maaliyada
14-maxamed Ibraahin C/laahi Dabagalka Maamulka kuxigeenka N/galyada iyo Cadaalada
15-Guleed Muxumed hore u ahaa kuxigeenka waxbarashada waxa uu noqday kuxigeenka wakaalada Dhismaha arimaha biyaha
16- axmed maxamed shukri oo ahaa lataliyaha madaxa arimaha xidhiidhka dadwaynaha wuxuu noqday ku-xigeenka waxabarashada
17-Bashiir axmed xaashi oo agaasin Xafiiska Horumarinta,Rermiyiga iyo Xolodhaqataa ahaa waxaa la geeyay Madaxa Horumarinta Wabiyada iyo Dooxooyinka
18-Irshaad Cali Nuur oo ahaa agaasinka Wakaalada cabashooyinka wuxuu noqday kuxigeenka cadaalada
19-Inj.Subeer C/lahi axmed Chief Pratacolka maamulka waxa uu noqday madaxa Wakaalada Iibka iyo Dhismaha Adeega Gaarka ah
20-amiin Daahir oo ahaa Dabagalka Maamulka wuxuu noqday lataliyaha wakaalada Warbaahinta
21-C/kuus c/laahi saleebaan oo ahaa kuxigeenka Maamulka Xukuumada wuxuu noqday lataliyaha madaxwaynaha Dhanka Xidhiidhka dadwaynaha
22-Cali ugaas cabdi oo ahaa kuxigeenka wakaalada dakhliga wuxuu noqday kuxigeenka iskaashatooyinka
23-Faarax jaamaca oo hore u ahaan jiray Guddudoomiyaha Gobolka Afdheer waxaa uu Noqday ku-xigeenka xafiiska xidhiidhka arimaha dawlada dhaqanka iyo dalxiiska
24- c/risaaq dayib oo ahaa xafiiska xeer ilaalinta iyo cadaalda wuxuu noqday ku xigeenka wakaalda ilaalinta deegaanka macdanta iyo tamarta
Gobolada:-
1-Maxamuud xaaji cumar oo ahaa Guddoomiyaha Degmada Iimay Galbeed wuxuunoqday Gudoomiyaha Gobolka shabeele
2-Maxamed axmed Badhcun oo ahaa Gud Deg dh/buur wuxuu noqday Guddoomiyaha Gobolka Afdheer
3-cabdi Cali Mataan(Cabdi ganay) oo ahaa Gud Deg awaare wuxuu noqday Gudoomiyaha Gobolka Nogob.
SDN/QJ
Contact@somalidiasporanews.com