|

Madax Afrikaan ah iyo Hogaamiyaha Shiinaha oo Gobolka Ku Sugan Ayaa Maanta La Filayaa Inay Kala Saxeexdaan Heshiisyo Malaayiin Dollar Ku kacaya

afri11,May,2014(SDN/QJ) Madaxda dalalka Ugandha, Tanzania, Rwanda, iyo South Sudan ayaa maanta la filayaa inay heshiis wada jir ah la saxiixdaan Ra’iisul wasaaraha Shiinaha oo booqasho ku jooga dalka Kenya.

Hogaamiyayaasha ayaa ku kulmi doono magaalada Nairobi, oo Mr Li uga bilaabtay booqasho seddax maalin ah.

Masuuliyiintan ayaa ka wadaxaajoonaya arrimaha gobolka sida, nabadda, amniga, iyo horumarinta wadooyin ka.

Kadib kulamada, hogaamiyayaasha waxaa la filayaa inay si rasmi ah u saxiixaan heshiis ay balaayiin lacag ah ku bexeyso oo ah mashruuc lagu dhisayo khad tareen oo aasaas u noqon doono koboca dhaqaalaha dalalka Kenya, Uganda and Rwanda.

Dalka Shiinaha ayaa tartan xoogan ugu jira inuu Door muuqda ku yeesho arimaha Afrika gaara ahaana,dhinac Dhaqaalaha oo haatan ugu tartamayo doorka Maraykan ee Qaraadda.

Waxaana ay dad badan oo Falanqeeya Siyaasadda Afrika iyo isbelada danaha Wadamadda Shisheeye,ay ku macneynayaan Booqashadda Xiligan ee Hogaamiyaha Shiinaha inay tahay inuu u muujiyo Hogaamiyayaasha Afrikaanka,in aanay Deeqda iyo Wax qabadka Shiinuhu aanay la mid ahayn sida  Shuruudaha Wadadmadda reer Galbeedka ee ay sheegaan inay wax ku qiimeeyaan Heerarka Dimuqraadiyadda iyo Xuquuqda Aadanaha Wadamadda Afrika.

Waxaana dad badan oo afrikaan ah u muuqatadda Mashaariic badan oo Malaayiin Dollar ku baxeen oo uu Wakhtiyo kale gadisan uu Shiinihu ka Hirgaliyay Qaaradda Afriga oo ay ugu mudan yihiin dhinaca Jidadka dhaadheer oo Raandhiiska Tayadooda Muddo dheer la intifaacsado.

 

SDN/QJ-Nairobi

daacad@qurbejoog.com

contact@somalidiasporanews.com

 

Comments are closed