Marwadda Koowaad oo safar qarsoodiya London ku timid, Ma jamaal bay ka daba timid?
Waxaa magaalladda London laga soo sheegayaa inay marwadda koowaad ee Somaliland Amina Weris ay imika booqasho aan la bayaamin ku joogto magaaladda London oo ilaa imika ay isugu yeedhay midhadh dumar ah oo ay isku beel yihiin oo deggan magaaladda London. Taasina ay ka danbeysay ka dib markii uu dhowaan musharaxa Madaxtinimo ee xisbigga UCID Jamaal cali Xuseen ay dhowaan aad u soo dhaweeyeen beesha uu ka soo jeeddo ee ku sugan magaaladda London. Musharaxa oo ay isku beel ka soo wadda jeeddaan beesha marwadda koowaad, iyo beeshaasi oo imika xukuumadda Axmed siilaanyo aad uga soo hor jeedda.
Waxa iyaduna carqalad noqotay ka dib markii uu Muuse Biixi oo isna beesha Habar Awal ah uu dhowaan sheegay inuu musharax ka yahay xisbigga Kulmiye. Haddaba Aamina Weris oo og in haddiiba uu Siilaanyo taagan yahay mar labaad in beesha Habar awal ay waayayaan ayaa iyadu kolba daba guraysa labadda beelood ee ay ka soo kala jeeddaan Cabdiraxmaan Cirro iyo Jamaal cali Xuseen oo kala ah Habar Awal iyo Habar yoonis. Taasoo ay xukuumadda Siilaanyo wadnaha farta ku hayso iyadoo og in ay hore u lumisay beesha Arab, iyo beesha Awal oo weliba sacad Muuse ah, oo uu maantana Siilaanyo musharax u yahay xisbigga Kulmiye dhexdiisa. Haddaba Aamina Weris dhowr dumara oo ay London ku shirisaa waxba ka qaadi maayaan musharaxa jaggadda madaxtinimo ee xisbigga UCID oo ay hore dagaal weyn ula soo gashay sidii uu xisbigga UCID u hadhi lahaa laakiin la reebbi kari waayey maadaama uu taageero laxaad leh ka haystay min Bari ilaa Galbeed iyo dhamaan beelaha Somaliland.
Ali Abdi Faarax
London, UK