Xukuumadda Somaliland Ayaa Maanta Markii Ugu Horaysay Ka Hadashay Ujeedda Odayaal Reer Muqdisho ah Oo Hargaysa Ku Sugan
08,May,2014(SDN/QJ)- Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta,Dhaqanka Iyo Wacyigalinta ee JSL,ayaa maanta si rasmi ah ugu hadlay ujeedada Odayaal Madax dhaqameedyo ah,kana Socda Somaliya oo Maalmahanba ku sugan Magaaladda Hargaysa ee Somaliland.Wasiirka ayaa sheegay inay Yihiin dad iskugu jira Madax dhaqameedyo,Salaadiin iyo Ganacsato kuwaas oo sheegay inay u Yimaadeen inay Somaliland ka bartaan Hanaanka Nabadynta Shacabkana ay kal Qeyb gali doonaan Xuska Maalinta Qaranimada Somaliland ee 18 May. “qoladda ka timid Somalia waa Kontmeeyo Oday dhaqameed ah,waxaanay ka socdaan Shacabka Somalia,iyaga oo iskugu jira Odayaal,Salaadiin iyo Ganacsato.sababta Socdaalkkoduna waxa uu yahay in arkaan Waxay Shacabka Somaliland Qabsadeen oo ay ku hanbalyeeyaan.Maantana waxa Qado Sharaf u Samaynaya Salaadiinta Somaliland oo isku dhan.,
Waxaa ugu mudan ee ay inaga baranayaan waxa uu yahay sida loo Ilaaliyo Nabada iyo Xasiloonida” ayuu yidhi Waiirka Wasaaradda Warfaafinta ee Somaliland Cbadilaahi Maxamed Daahir (Cukuse),oo maanta Shir Jaraa’id oo uu ku qabtay Xafiiskiisa kaga Hadlay Arimo door ah oo ku aadan Xaaladda Dalka.
SDN/QJ-Hargaysa
contact@somalidiasporanews.com