Musharaxa madaxwaynaha xisbiga ucid Jamaal Cali Xuseen oo kulan la qatay Wasaarada arimaha dibada Ingriiska ee u qabilsan Comms| Diaspora Outreach Lead
London 08May14 (SDN) Musharaxa Madaxwaynaha xisbiga ucid mudane jamaal cali xuseen oo ay ku weheliyaan xubna ka tirsan xisbiga ucid xoghayaha waxbarashada fawsi Xaji Yusuf xoghahya xibiga ucid laanta Uk Mudane Cabdilaahi Cumar Shaqale iyo xoghayaha garabka haweenka Marwo Farduus Cige iyo xubno ka tirsan jaaliyada somaliland ee ku dhaqan uk, wafdiga musharaxa xisbiga mudane jamaal cali xuseen ayaa waxay la kulan baladhan la qateen xubnaha u qaabilsan wasaarada arimaha dibada wadamada commonwealth ,waxayna ka wada hadleen sidii loo xojin laha xidhiidhka somaliland iyo Boqortoyada ingriiska gaar ahaan Dimuqradiyada iyo sidii , horumar looga gaadhi laha dhinacyada caafimadka iyo Tacliinta, tahriibta loogana hortagi lahaa. Waxay kalee oo warbixin ka dhagaysateen xubnaha xisbiga ucid oo hogaaminayo musharaxa Jamaal Cali Xuseen waxanay balan qadeen sidii ay dawlada ingriisku uga cawin lahayd Doorashada soo socota waxa kale ay is la qateen sidii loo xojin lahaa tahriibta dhalin yarada waxa kale oo laysla soo qaday dhinaca Saxafada iyo xoriyatul qoolka .dhinaca Cafiimadka in somaliland u bahantahay in laga caawiyo Cudurada dilaaga ee ka jira wadanka. xisbiga ucid ayaa noqonaya xisbigii u horey ee la kulma wasaarada arimaha dibada iyo commonwealth taas oo loo arko in jaaliyada reer somaliland u arkaan inay tahay guul hor leh oo u soo hoyatay somaliland siiba arimaha dibada oo hoos u dhac badani ku yimid waxa kale oo ay soo dhaweeyeen wasaarada arimaha dibada ee uk sidii wax looga qaban laha xoriyada saxafada tababarona loo siin lahaa saxafada xorta ee ka jirta somaliland taas oo si xogan uga hadlay musharaxa madaxwaynaha .xisbiga ucid jamaal cali xuseen gabagabadii ayaa waxa u mahad celiyey Madaxdii wasaarada Arimaha Dibada iyo soo dhawayntii ay kala kulmeen iyaguna sidoo kale ayey ku farxeen xidhidhka wanagsan ee ay la yesheen xisbiga ucid oo ku tilmaameen xisbi cadaalad ku dhisan.