|

Wasiirka Warfaafinta,ahna Afhayeenka Xukuumadda Oo Maanta Ku Dhawaaqay In Siilaanyo Yahay Musharax U Taagan Doorashada 2015-ka

cukusep8,May,2014(SDN/QJ)- Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta,Dhaqanka Iyo Wacyigalinta ee JSL,ayaa maanta si rasmi ah ugu dhawaaqay in Mdaxweyne Siilaanyo uu yahay Musharax u taagan Jagada Madaxtinimo ee Xisbiga Taladda Dalka haye ee Kulmiye.waxa uu sheegay inuu Siilaanyo yahay Hogaamiyo Waxqabad leh oo dadku ay u baahayn yihiin inuu mar labaad isu taago Jagadda Madaxtinimo ee Xisbiga Kulmiye “ Mdaxweyneha Daladda hayaa wa wax iska Dabiici ah,Hadii uu yahay Madaxweyne Maanta sida uu Siilanyo Kalsoonida Shacabka u haysto u haysta,Waxqabadkiisuna Muuqdo dadkaa u baahan inuu Taladda sii hayo”.

Mr.Cukuse isaga oo hadalkiisa sii wata ayuu sheegay in aanay jirin Meel uu Madxaweyne Siilanyo ku Yidhi Musharax baa ahay,laakiin uu madaxeynuhu si rasmi ah uu u yahay Musharaxa Jagadda Madaxtinimo ee Xisbiga Kulmiye.

Si kastaba ha ahaatee dhawaaqa maanta ka soo yeedhay Af-hayeenka Xukuumadda Siilaanyo,ayaa muujinaya sida ay Madaxweynaha uga go’antahay inuu mar labaad isu Taago Jaggada Madaxtinimada ee Doorashooyinka lafilayo inay Dalka ka qabsoomaan sanada  2015-ka Badhtamaheeda.

Dhinaca kalena arintan ayaa waxay ku soo beegmaysa xili uu Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabadi,uu isna si rasmi ah u Shaaciyay inuu yahay Musharx Madaxweyne.lamana saadaalin karo Saamaynta tabnaan iyo tognaan ee ay isku yeelan karaan loolanka labadan Masuul.

SDN/QJ-Hargaysa

daacad@qurbejoog.com

contact@somalidiasporanews.com

 

Comments are closed