|

Qiimeynta Qudbadii Madaxweynaha Qallinkii:Liban Ismail

llllllSida uu distoorka qaranku jidaynaya sanadkiiba waxa waajib ah inuu madaxweynuhu qudbad u jeediyo laba gole baarlamaan si wada jira qudbadaas oo runtii ah mid xog waran u ah wixii qabsoomay wixii qabyo ah iyo wixii qorshaysanba si bulshada iyo baarlamaanka oo matalayaaba ay u ogaadaan halka xaal marayo iyo jihada loo socdo. Hadaba qudadan uu jeediyay madaxweynuhu ayaa ahayd mid kooban oo farshaxanimo ka muuqato marka loo eego qudbadihii sanadihii hore haday tahay miisaanka ay leedahay iyo qaabka qoraalka oo ay aad uga fahan badnaynd kuwaa hore.

Geesta kale qudbadan ayaa marka la eego waxay aad iyo aad u taabanaysay waxyaabo badan oo ay xukuumadu fulisay isla markaana looga fadhiyo baarlamaanku inay waajibkooga ka gutaan taas oo iyana iftiiminaysa inay aad gaabis u tahay shaqada xildhibaanada oo looga baahan yahay inay gutaan waajibaadkooga, inta badan waxa qudbada ku jiray canaan dadban oo sheegaysa in iyaga la sugayo halka ay ahayd inay baarlamaanku ku canaantaan wixii jira balse ay xukuumadu iyaga kaga adkaatay xaga waxqabadka.

Hadii aan dul istaagto waxyaabaha qudbada ku jiray ee laga sugayo baarlamaanka waxa ka mid ahaa .

1.in ay xukuumadu u soo gudbisay golaha xeerarkii salka ama bud dhiga u ahaa nabadgelyada kuwaas oo ay ka mid yihiin Xeerka Sirdoonka Qaranka , Xeerka Booliska, Xeerka la dagaalanka Argagisada. Waxaanu madaxweynuhu ku adkeeyay inay gacan ka geystaan isla markaana ay waajibaadkooga ka maraan si ay hawashaasi u hirgasho isla markaana xeerarkaasi u anfacaan hawalaha nabadgalyada

2.Xoolaha iyo Deegaanka. Wuxuu madaxweynuhu sheegay inay diyaaar u yihiin sidi xoolaha iyo deegaankaba loo daryeeli lahaa dadaal badana ay xukuumadu galinayso isla markaana loovga fadhiyo golaha inuu ansixiyo xeerkii saldhiga u noqon lahaa daryeelka deegaanka taas oo golaha hor yaala

3. kala duwanaanshaha mushaharka xukuumadii hore iyo tan imika talada haysa. Waxa qudbada ka muuqatay in ay xukuumadu mushaharka kala duwan ee qaybaha dawladnimo ay aad sare ugu qaaday marka loo eego xukuumadii ka horaysay wallaw ay ka muuqatay in ciidanka kala duwan ee qaranka  isaga oo laga kordhiyay intii uu hore u qaadan jiray hadana inuu aad u yar yahan loona baahan yahay in laga sii kordhiyo maadaama uu yahay laf dhabarta amaanka .

4. Safarkii xogogaal u noqoshada xaalada dalka . waxa iyaduna qudbada ka muuqatay safarkii taariikiga ahaa ee uu madaxweynu ku maray xeebaha kaas oo waxbadan oo qaldan iyo wax saxanba uu ku soo arkay isla markaana uu sheegay inay fulinayaan wixii ay ku soo arkeen in wax laga qabto taas oo ah waajib saaran madaxweynaha si uu ula socdo qayb kasta oo dalka ka mid ah waxay ku sugan yihiin.

5. waxa qudbada madaxeynaha ku jirtay inuu samaynayo gudi culimo oo ka shaqaysa wanaaga iyo baraarujinta diinta islaamka taas oo ah guul aad u weyn waayo dalka iyo dadkuba kama maarmi karaan cid wanaaga iyo diinta u sheegta xumanaha ka reebta waana waxa aynu ummadaha kale kaga khayr badanahay sida uu alle inoogu sheegay quraankiisa , nabigeena suuban (N.N.K.H)  uu inta badan inooga waramay waana talaabo guul ah oo xaga wanaaga hore loogu qaaday.

Marka aad akhriste qodabadaa iyo inta kale ee badan ee  ku jirtay qudbada madaxweynaha ee aanan halkan ku xusin eegto waxa  aad arkaysaa inay ahayd qudbad hufan oo taabanaysa dhinacyo badan oo horumar leh isla geesta kale waxay ku tusaysaa xil gudasho la,aanta golaha oo looga fadhiyo xeerar iyo waxyaale kale oo badan oo qaranka wax weyn ugu fadhiya inay ansixiyaan dhinaca kale waxa meesha iyaduna ku jirtay ama ku lamaamaneyd oo uu madaxeynuhu mudanayaasha golaha u qaybiyay heshiisyadii ay xukuumadu gashay taas oo uu faray inay soo akhriayan kana doodaan sharcigana waafajiyaan .

Isku soo wada duuboo waxa  akhriste meesha inooga muuqanaysa inay tahay wax dhif iyo naadir ku ah qaarada afrika inay somaliland ku kacday taas oo ah is xilqaan, isu tanaasul iyo adkaynta geedi socodka hanaanka aynu qaadanay. Waxa iyaduna lagama maarmaan ahayd oo ku jirtay inaanu qarankan xuduudiisa cidna u daba fadhiisanayn cidna aanu uga talo qaadanayn laguna soconayo wixii dadkani goostay.

Isku soo wada duuboo dhaliili way jiri kartaa oo nooluhu wax kasta oo uu qabanayo siday ahayd uma dhamays tiro karo oo nooluhu si kasta oo uu u dadaalo waa qabyo. Taasna inaga waxa inoo weheliso inaynu nahay qaran muddo kooban jiray isla markaana wax badan ka aradan oo inagaga xidhan yihiin beesha caalamka iyo bulshadadeena oo wali ah bulsho taagan habkii beelnimo iyo waxqabsi  la,aanta isla markaana fikirkoogu ku salaysan beello, Alle ha inaga daweeyee.

Waxba yaanu qalinku ila sii durkine waxaan ku soo xidhayaa xubin kasta oo bulshada ah xil baa saaran kaas oo ah mid aakhiro iyo mid adduunyo markaa waxa inala gudboon inaynu u fikirno sidii dalka, dadka, iyo diintaba aynu u gaadhsiin lahayn meel intan ka saraysa ubadkeena dambana midho intan ka badan aynu uga tagi lahayn.

 

QALINKII:  Liban Ismail Abdilahi

EMAIL:  Liibaanhanad79@gmail.com

 

Comments are closed