20-tan Hay’adood Oo Caalami ah Oo Warbixin Dhiillo Leh Ka Soo Saaray Nolosha Dadka Soomaalida ah
Muqdisho:May,08,2014(SDN/QJ)-Is-bahaysi ay leeyihiin inka badan labaatan Hay’adood oo caalami ah ayaa ka dayriyey Nolosha Dadka soomaalida ah ee Somalia ku nool, waxana ay sheegeen in Halistii dhawaan laga soo baxay markale dib loogu noqon karo.
Warbixinta ay hay’adahani ka soo saaren Soomaaliya,waxaa ciwaan looga dhigay “halis ay Somalia ugu jirto inay dhibaatadii ay ka soo kabaneysay ay dib ugu noqoto iyo wararkii ugu dambeeyay ee mushkiladda wadankaasi ka taagan”,waxaana hay’addaha soo saaray ay sheegeen inay u kuurgaleen xaaladda ay ku nolyihiin mallaayin Soomaali ah.
Waxaa lugu xusay warbixinta inkastoo horumar laga dareemayay Soomaaliya sannadihii dhowaa, haddana Soomaaliya weli kama bixin mushkiladii heysatay.
Arrimaha warbixinta lagaga hadlay,waxaa ka mid ah nolal maalmeedka shacabka Soomaaliyeed,waxaana la sheegay nolol maalmeedka caadiga ah ee dadka inay tahay mid sii xumaaneysa.
Warbixinta waxaa lagu sheegay in ku dhawaad saddex malyuun oo qof oo Soomaali ah inay ku suganyihiin mushkilad bani’aadnimo.
50,000 oo caruur ah ayey sheegtay warbixintu inay nafaqo darro ba’an heyso, in ka badan hal malyuun ay bara kac uga maqanyihiin guryahooda.
Tiradan ayaa marka la fiiriyo, waxey aad uga wanaagsantahay sidii ay xaaladu horey u aheyd , laakiin warbixintu waxey leedahay, ma haboona in horumarka lagu cabiro – heer aan gaadhsiinen – heerka nolosha ee bani’aadamku uu xamili karo .
Dowladda xilligan jirta ee u hoggaamiyo Xassan Sheekh,waxaa ay dhowr mar sheegeen inay hormar muuqda ka gaadheen nolasha dadka Soomaaliya,balse dhowr warbixinaad oo ay hay’addaha gaargaarku soo saareen waxaa ay ka deyriyeen xaaladda dadka Soomaaliyed gaar ahaana kuwa ku nool gobollada koonfurta iyo badhtamaha.
SDN/QJ
Contact@somalidiasporanews.com