Ugu Yaraan 80-Qof Oo Ku Geeriyooday Kenya Iyo Tiro Kale Oo Aragoodii Weyday
Nairobi:May,08,2014 (SDN/QJ)-Inta la ogyahay 80 qof ayaa ku dhintay Dalka Kenya tobonaan kalena way indha beeleen, kadib markii ay cabbeen Khamri sumaysan oo la Tuhunsan yahay in khaldan loo farsameeyey.
Warkan oo ay maalintii shalay Baahisay Waraaladda Wararka ee AFP, ayaa lagu sheegay in masiibadani ay dalka Kenya ku habsatay, isla-markaana ay waxyeelladani soo gaadhay dadweynihii isticmaalay Kharigaas oo aan sax ahayn.
Xarunta Dhexe ee Qaranka ee Howlgallada Musiibooyinka Kenya ayaa hadal ay soo saartay ku sheegtay in 80 qof ku dhinteen afar degmo, taas oo tiradii hore ee dhimashada kor u qaadday kadib markii ay dhibanayaashu kordheen.
Qaar ayaa soo kacay iyaga oo indha la’ kadib markii uu seexiyay cabitaalka, sidaana waxa sheegay saxaafadda maxalliga ah, halka qaar kalena ay si tartiib tartiib ah u luminayaan aragga, Qaar ka mida dhibanayaasha ayaa ka cabanaya calool xanuun ba’an, arag xumo iyo awood yari guud.
“Waxan isku dayaynaa in ogaanno halkii uu ka yimid khamrigan, waxana socda Baadhitaano lagu diyaarinayo Halkii lagu soo diyaariyey,” ayay tiri afhayeenka bilayska Zipporah Mboroki.
Ma cadda in dhimashada oo dhami ay ka timid hal khamri, laakiin dhibanayaasha ayaa ka yimid laba magaalo oo ku dhow Nairobi, iyo sidoo kale qaybo kale oo ku yaal badhtamaha iyo bariga dalka.
Meelaha qaar khamriga waxa laga gatay baarar ruqsado leh, halka qaar kale laga gatay wadooyinka, ayay sheegeen mas’uuliyiintu.
Khamriga lagu sameeyo deegaanka, oo inta badan laga sameeyo galleyda iyo masagada la khamiiriyay, ayaa waxa aad u isticmaala saboolka, maaddaama ay qiime ahaan aad uga jaban tahay khamriga sida sharciga loo sameeyo loona iibiyo.
Qaar ka mida dhibanayaasha ayaa cabitaanka dhigay isbitaallada ka bixiyay lacag gaadhaysa illaa $0.30, sida ay sheegayso warbaahinta maxalliga ah.
SDN/QJ
Contact@somalidiasporanews.com