|

Cabdiwali Sheekh Oo Maanta Booqasho aan Hore loo Sii Shaacin Ku Tagey Magaaladda Marka

WWWWW07,May,2014(SDNQJ)-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane, Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed iyo Wafdi uu hoggaaminayo ayaa saaka safar shaqo ku tegay magaalada Marka ee xarunta gobolka Shabellaha Hoose. Ra’iisul Wasaaraha ayaa waxaa soo dhaweeyay maamulka gobolka, Wasiirro, Xildhibaano iyo saraakiisha Ciidamadda Dawladda, AMISOM iyo qaybaha bulshada ee degmada Marka.

Soo dhawaynta kaddib, ayaa Ra’iisul Wasaarahu kulan albaabadu u xidhanyihiin la qaatay maamulka gobolka Shabellaha hoose iyo Saraakiisha Ciidamadda dawladda iyo AMISOM wuxuuna ka dhagaysatay warbixin ku saabsan xaalladda gobolka, iyadoo intii uu kulanku socday la isla soo qaaday la-dagaalanka kooxaha Al-shabaab iyo hawl-galada ay Ciidamaddu ka wadaan gobolka.

Guddoomiyaha gobolka Shabeellaha Hoose C/qaadir Sheekh Maxamed Nuur “Siidii” oo ka hadlay kulanka soo-dhawaynta, ayaa Ra’iisul Wasaaraha uga mahad-celiyay booqashada uu ku soo gaadhay degmada Marka.

Bookhashadan ayaa waxay ku soo beegmaysaa xili ay Magaaladda Muqdisho ay u soo badanayaan Dilalka Qorshaysan iyo Qaraxyadda Xarumaha Dawladda iyo Haa’adaha Qaramadda Midoobay.

Waxa kale oo ay dad badani u dhegtaagayaan waxa ay Booqashadan Maanta ee Ra’iisal Wasaarauhu ay ka badali doonto xad gudubyo ba’an oo aalaaba laga soo sheego Ciidamada Dawlada ee Gobolka ku sugan.

SDNQJ-Marka

daacad@qurbejoog.com

contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed