|

Horyaalka Ingiriiska oo Cirka La Isku Feenanayo Iyo Rajadii Liverpool oo Gabalkeedii Sii Dhacayo.(By Jaahuur)

London-07-April-2014-(SDN) Akhyaartay faaqidaadeena ciyaaraha waxaynu ku soo qadaneynaa horyaalka Ingiriiska (Premier League) oo kooxuna ka huleeleen qaarna raqdiisii isku haystaan.

Haddaba horyaalka Ingiriiskaa oo naadiyaal badani ku loolamaan ayaa haddana waxaa u soo irsiq taga ciyaartooy farabadan oo ka soo haajira aduunka dacaladiisa caana ku ah kubadda cagta.

Mucjisooyinka aynu horyaalkan ku aragney waxaa ka mid ah Man United oo difaacan kari weydey horyaalka isla markaana kan kaga jirta kaalinta toddobaad,iyo Arsenal oo toddobaayadii hore hogaamineysey imakana kaalinta afraad.

Saaxiibayaal Liverpool,Man City iyo Chelsea oo runtii gorodda iskula jirey ayaa hadda u muuqda iney kala hadhayaan.

images (2)

Liverpool oo ku hanweyneyd horyaalkan ayaa qalbijab kala kulantey kulankii ay la yeesheen Crystal Palace isla dhaafiwaayeen 3-3 walow Liverpool ku horeysey 3-da goolba,halka Man City 3-2 kaga badisey Everton.

Man City oo loow iclaamiyey iney ku guuleysandoonto horyaalkan waxaay uruursatey 81-dibcood laba ciyaarina u hadhsantahay halka liverpool iyo Chelsea u hadhsanyiihiin min hal ciyaar.

Man City-81-dhibcood

Liverpool-80 dhibcood

Chealsea-79 dhibcood.

Bal aynu argno halka xaal ku dambeyn doono wiiggan foodda inagy soo haya haddii Ilaahay ka dhigo.

W/qorey Jaahuur

SDN

jjaahuur@hotmail.com.

Comments are closed