Madaxwayne Hassan Sheikh Mohamoud: Iscasil Si Aad Ubadbaadiso ‘Geedi Socodka Nabada’
Qoraalkaan inta aan ugelin, aan idin xasuusiyo qoraal aan qoray taariikhdu markay ahayd April 12, 2014 oo aan cinwaan uga dhigay “Madaxwayne Hassan Sheikh Mohamoud: Ma La Gaarey Waqtigii Aad Is Casili Lahayd?” Qoraalkaas oo ku saabsanaa sida ay QurboJoogta Soomaaliyeed uga xumaadeen in Madaxwaynaha Dowlada Federaalka ee Soomaaliya ka aamuso sida waxshinimada leh oo ay ciidamadeeda sida gaarka ah loo tababaray ee dalka Kenya ee loo yaqaan “GSUda” ay ula dhaqameen Hooyinka, Caruurta iyo Waalyeelka Soomaaliyeed ee ku noolaa magaalada Nairobi iyo agagaarkeeda waqtigii uu booqashada madaxwaynaha ku marayey dalalka Afrikada Bari.
Sawiradi ay soo bandhigeen shabakadaha wararka Soomaalida ee sida gaarka loo leeyahay, twitterka iyo facebookga ayaa ahaa kuwo aan marnaba laga aamusi karin, waxaase la yaab ku noqotey QurboJoogta sida Madaxwaynaha, Afhayeenka Baarlamaanka, Ra’iisul Wasaaraha Kowaad iyo Wasiiraduba uga gaabsadeen in ay arinta Kenya ka hadlaan.
QurboJoogta Soomaaliyeed ee degan Magaalada Minneapolis, ee gobolka MN – intooda badan ayaa waxay ku noolaayaan dalka Kenya waqtigii ay ka soo qaxeen dagaalkii sokeeye ee bilowday dabayaaqadii 1990kii, kuwaan oo ahaa racii ugu horeeyey ee ku soo qaxa xeradii loo yaqaanay Showgroundka, ka dibna loo raray xerada Utanga. QurboJoogta ayaa si aada uga dheregsan sida ay askarta Kenya ula dhaqanto muwaadiniinta Soomaaliyeed, waxayna si aad ah uga xumaadeen markii xukuumada uu hogaamiyo madaxwayne Hassan Sheikh Mohamoud iyo Dowlada Federaalka Soomaaliyeed ay ka soo baxiwayday xilkii ka saarnaa ilaalinta nabadgelyada jaaliyada Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka dibadiisa, ha ugu horeeyaan Qaxootiga ku dhaqan Bariga, Bartamaha iyo Koonfurta Africa.
Arinkaan waxaa xasaasi ka dhigay dhibta qaxootiga Soomaaliyeed kalakulmaan wadamada qaarkood sida wadanka Koonfur Africa oo loogu dhaco hantidooda, si xuna loogu dilay ganacsato Soomaaliyeed, iyo dhacii iyo boobkii loo gaystey dadka Soomaaliyeed ee deganaa magaalada Ndola, ee dalka Zambia, iyo aflagaadadii madaxwaynaha dalka Malawi uu ugeystay dadwaynaha Soomaaliyeed oo uusan Madaxwaynaha, Afhayeenka Baarlamaanka, Ra’iisal Wasaaraha Kowaad iyo Wasiirduba ka hadlin.
Madaxwaynaha Dowlada Federaalka iyo xukuumadiisa madaama ay ku fashilantey arimahaas iyo arinta la xariirta dastuurka oo uu sida laga dareemay qudbadii uu madaxwaynaha Dowlada Federaalka ka jeediyey magaalada Minneapolis, ee gobolka MN markii uu booqashada ku yimid, oo umuuqday in uu si aada uga soo horjeedo qodobo ka tirsan dasuurka cusub ee dalka loo dejiyey, ayaa hada waxay jeclaan lahaayeen in barlamaanku ka munaaqashoodo sidi madaxwayne cusub loo soo dooran lahaa, loona dhisi lahaa dowlada cusub madaama xukuumadiisa ay ku fashilmatey difaaca dadwaynaha Soomaaliyeed.
Waa la hubaa in aan doorashada 2016 (Waa qofkuu ALLAH gaarsiiyo), in QurboJoogtu aysan rabin in uu soo noqdo markale madaxwayne ka gaabsaday in uu ka hadlo dhibka shicibkiisa, laakiinse waxay ka ka rajaynayaan barlamaanka Soomaaliyeed in dowladaan la rido madaama ay wiiqayso dib u dhiska , geedi socodka nabada dalka, iyo dastuurka cusub ee la ansaxiyey si dalka nabad loogu soo dabaalo inta aan la gaarin doorashada dhici doona 2016ka si ay cashar ugu noqoto qofkii xilka qaranka lagu aamino oo ka seexda in uu ogaado in lagula xisaabtamaayo.
Waxaa isku soo dubariday: Mohamed Barre – junlay “Buluf” oo wax ka qora arimaha Soomaalida, degana magaalada Minneapolis, ee gobolka MN – junlay99@aol.com