Madaxweyne Siilaanyo oo Khudbad Sannadeedkiisii Distooriga ahaa ee Mudada badan dib u dhacday Beri u jeedin doona labada gole
Hargaysa 06.May 2014 (SDN/QJ)- Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ayaa maalinta bari ah Khudbad sanadeeda Dastuuriga ah ka hor jeedin doona laba gole Baarlamaan ee Somaliland, taasi oo uu kaga hadli doono Xaaladaha dalka iyo Hawlaha Xukumaddiisa.
“ Madaxweynaha ayaa bari laba aqal ee Wakiilada iyo Guurtida ka hor jeedin doona Khudbad sanadeedii, waxaana la iskugu imanayaa Aqalka Guurtida, sidaas darteed waxaan Mudanayaasha ka codsaynaa inay yimaadaan Golaha sideeda Subaxnimo” ayuu kuwargeliyey Mudanayaasha Wakiilada Gudoomiye xigeenka Wakiilada Baashe Maxamed Faarax oo Shir gudoominayay Fadhigii wakiilada ee maanta.
Madaxweyne Siilaanyo ayaa dhawaan Shirweynihii Xisbiga Kulmiye khudbad dheer oo ku salaysan waxqabadka Xukumaddiisa, taasi oo uu ku sheegay inay waxka qabteen arimaha bulshada, sida waxbarashada, Caafimaadka, Jidadka iyo kor u qaadista Dhaqaalaha iyo Miisaaniyadda qaranka.
Hargaysa SDN/QJ.