Mareykanka oo Xero ciidan siistay Dimuqraadiyad sal dhigata Jabuuti,iyo cadadka lacagta madaxweynaha Jabuuti jeebka loogu shubay
Washington May 06,2014(SDN/QJ)-Dawlada dalka Mareykanka ayaa heshiis kula gashay dawlada Jabuuti kirada xerada Lemonier ee fadhiisinka u ah ciidamada Mareykanka ee Jabuuti ku sugan.
Madaxweynaha Mareykanka oo iska indho tyiraya xaaladaha siyasadeed eek a jira dalka Jabuuti ayaa amaan kula dul dhacay dawlada Jabuuti.
Heshiiskan Obama iyo Geelle ayaa ciidamada Mareykanka siinaya ogolaasho ay Jabuuti ku joogaan mudo toban sanadood ah.
Iyada oo Mareykanku siin doono Jabuuti sanad walba $63 million oo dollarka Mareykanka ah.
Jaaliyadaha reer Jabuuti ee Yurub iyo Woqooyiga America ayaa maalmihii u danbeeyay qabanayay isu soo baxyo ay dubida ugu soo bandhigayaan xaaladaha siyaasadeed eek a jira dalka Jauuti.
Madaxweynaha Mareykanka Barack Obama oo aaney ku cusbeen ka bixida balamo faro badan oo uu hore u qaaday ayaa iminkana xero siistay hanaan dimuqradiyadeed oo sal dhigta dalka Jabuuti.
SDN/QJ-Washington
contact@qurbejoog.com
contact@somalidiasporanews.com