|

Dad soomali ah oo hor leh oo laga Mastaafurinayo Dalka Kenya iyo Saraakiisha Safaaradda Somalida Nairobi oo ka hadlay

 

kennnkennn03,Apr.2014(SDN/QJ)- Xili bishii la soo dhafay Somali gaadhaysa ilaa 250- qof oo Somali ah lagu Celiyay Magaalada Muqdisho oo Hay’adaha amaanka Kenya ay ku sheegeen sharci Daro ayaa waxaa saaka  mar kale Somaliya Dib loogu Celinayaa dad gaaraya ilaa 90-qof.

 

 

Xog-hayaha safaarada Somaliya ee Kenya Cali Maxamed sheikh Cali bagadi oo la hadlay warbaahinta  ayaa sheegay in dad gaadhaya ilaa 90 qof ay saakay ku sii Jeedaan Somaliya.

 

” Waxaa saakay ku sii Jeeda Somaliya dad gaaraya 90 qof oo ku jiray Xabsiyo kala Duwan sida kasaraani, Xabsi ku yaala Garoonka Joma Kenyata, dadkani waxaa saakay ka dajin Doonaa Somaliya”ayuu yidhi Xog-hayaha safaarada Somaliya ee Kenya Cali bagadi .

 

Sidoo kale dadkaan laga Masaafurinayo Kenya oo ay Hay’adaha amaanka Kenya ku sheegeen sharci daro ayaa imaanaya Xili safiirka Somaliya iyo Qunsulka Safaarada ay ku suganyihiin  Muqdisho ku dhawaad 7-cisho oo ay u Yeedheen baarlamaanka iyo Xukuumada Somaliya.

Dhinaca kale waxa iska soo daba-dhacaya Canbaarayn balaadhan oo Luuqad adag llogu sheegayo Dawladda Kenya inay wax muuqda ka qabato Tacadiyadda aan loo Aabo yeelayn ee ay samaynayaan Ciidankeedu.mana muuqato wax talaabo ah oo u aadan wax ka qabshadda Cabshooyinka isa soo taraya ee Qoxoontiga Somaliyeed,oo ka imanaya Madaxda dalka Kenya.

 

SDN/QJ-Nairobi

Daacad@qurbejoog.com

contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed