|

“Afweynihii lala dagaalamay ee aad ogaydeen 20-km oo isku wareeg ah ayuu Hargeysa kaga tegay, Maantana waxaynu ku heshiinay in dhulkii umaddu lahayd innagoo soo taagan kooxi iibsato oo qaadato,”Sheekh Aadan Siiro

Hargeysa:May,03,2014(SDN/QJ)-Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud Xiirey (Siiro) oo ka mid ah Culimada waaweyn ee  Magaalada Hargeysa, ayaa si ballaadhan ugu hadlay dhibaatooyinka dhinaca garsoorka ka Haysta Shacabka Somaliland  iyo Boobka lagu hayo dhulka Danta Guud ee dalku lahaa.

aaddankaSheekh Aadan siiro ayaa wax  lagu xumaado ku tilmaamay inaan wali Somaliland laga helin garsoor xukunkiisa caddaalad ku saleeya, xilli  sanado badan la sheeganayey in dawladnimo iyo deganaan la gaadhay.

Sheekha ay si baahsan u Hogo-tusaaleyey shacabka reer Somaliland dhibka ka taagan garsoorka, isagoo tulaalooyin badan ku soo qaatay Murano iyo doodo muddooyin badan la soo afjari la’ayahay, “Bani’aadamku tabasho kama dhamaado,  waana loollanka xaqa iyo baadilka ka dhexeeya, rag Gogoshii waa caddaalad iyo Nabad, Nabad-na waxa lagu helaa Caddaalad, waxaynu u taaganahay Laba walaalo ah oo murmaya in ka badan 22-ama 21-sanadoo oo arrintoodu ay maxkamadda ku jirto oo waxa ka dhexeeyaa uu yahay Guri uu aabahood ka tegay, waxaynu u  taaganahay Gabadh iyo seygeed  oo murmaya inkabadan dhawr iyo taban sanadood oo raadinaya inay helaan  Qof wanaagsan oo si yar oo fudud ukala saara iyo Agoomo badan oo dayacan,” ayuu yidhi sheikh aadan siiro.

 Sheekhu waxa tilmaamay in dhaqanka Somaliland ka jiraa uu noqday mid caddaaladu la socoto cidda xoogga iyo mansabka leh oo aanay  dadka jilicsani helin wax caddaalad ah, waxana uu yidhi

 “Maanta yaa Hadal badan, yaa lacag badan, yaa Reer Weyn ka Dhashay, yaa cid xidhiidh la leh ayey tahay, laakiin caddaaladu  waa in xaqa la xukumo, Markaa Ra’yiga Bani’aadamka inaad tidhaahdo Ra’yigayga uun baan dadka u wadayaa ama ku wadayaa oo talada dadka ururin maayo, waxay keenaysaaa inaad dhinaca ka rarto talada umadda oo aad dhinaca ka rarto, Hantida umadda oo aad wax walba dhinac ka rarto wax walba, dabadeedna  ay dheellido, Umaddana Haddaad Doonayso inaad ogaato inay jabtay ama ay jabayso Garsoorkooda iyo umadda kala saarta ayaa la eegaa.” Ayuu yidhi sheikh Aadan siiro.

Waxa uu Sheekh Aadan xusay in inta badan ay dhacdo in Go’aanada ay maxkamadu qaadayaan ka hor inta aany ku dhawaaqin la iska sii ogaado, taasina ay sii xumaynayso sinnaantii iyo  wada noolaanshihii umadda, waxana uu farta ku fiiqay in garta cid gaar ah uun la siiyo,“Qofku muxuu Go’aanka Maxkmada ku qaadan Qofku wuxuu sii ogyahay in Go’aankii Ninka ay is hayaan xalay la sii gaadhay oo Qalbigiisa ku jira, markaa muxuu go’aankaas ku qaadan. Imika haddii la is qabto Xukuumadda ayaa gar leh, ka awoodda leh baa gar leh, Ka lacagta leh baa gar leh, Agoonka iyo ka maatida ah ee jililcsan ayaana bilaa gar ah, waana Mandiqa shaqeeya maanta”

Dhinaca kale waxa uu sheikh Aadan Xaaji Maxamuud Xiirey wax badan ka iftiimiyey Mushkilada dhul-boobka oo si xawli ah uga socota Somaliland, waxana   si gaar ah u taabtay sida loo cisooyo kuwa caanka ku ah boobka iyo baabi’inta xoolaha umadda, “Waxaynu arkaynaa dad ku mamay dhulkii umadda oo maalinba cid qabsanaya oo ama dhul badan haysta oo suuqa meeraysanaya oo gaadhiyo cadcad iyo guryo waaweyn ku leh oo maalinba meel loo qorshaynayo iyo meelihii Hantidii umaddu ay lahayd oo haddana dadka uga cad-cad umadda ka mid ah oo meesha uu tagaba Albaabada laga furo ayeynu u taaganahay.” Ayuu yidhi sheikh aadan, waxana isagoo hadalkiisa sii wata intaas ku daray, “Dhulkii, Hantidii umadda, Awooddii iyo wixii dadka ka dhexeeyey waxa Boobaya Wadaadkii awoodda lahaa, kii baayac-mushtariga lahaa ee awoodda lahaa ee Hadda hantidiisii xalaasha lahayd ku dhididay iyo kii magaca lahaa way boobayaan, Bal umad dhan oo Boob u dhaqaaqday ka warran. Afweyne ninkii lala dagaalamay  ee aad ogaydeen 20-km oo isku wareeg ah ayuu Hargeysa  kaga tegay, dhulkaasina Boqol sanadood ayuu inagu filnaa, Maantana waxaynu ku heshiinay in dhulkii umaddu lahayd inagoo soo taagan kooxi iibsato oo qaadato, ama Ganacsato ha ahaado oo lacago badan ha haysto ama Awood kale iyo reero ha sheegtaan, dhulkanna Taakadu Afar Million oo Somaliland ah ayey ka dhexeeyaan”

Sheekha ayaa qaylo-dhaan ka muujiyey in la la’yahay meel lagu Aaso dadka dhimanaya, iyadoo lagu mashquulsan yahay sidii loo kala boobi lahaa inta yare e wali bannaan, waxana uu yidhi,

“bani’aadam baa iman doona doonaya inay dadka wax u qabtaan, Hadii dhulka muhiimka ah la wada isticmalo halkee wax laga dhigayaa, Meel dadkii lagu aasaa la la’yahay, imika Afar bilood baan maqnaayoo warwarka ugu weyni waxa uu iga hayaa Arintaas, Xabaalahana  ugumaanu talo gelin kuwa Baabuuta waaweyn, lacaga iyo Mansabyada Waaweyn Haysta’e waxanu ugu talogalnay Kuwa jilicsan ee aan baloodh iyo magac iyo reer midna sheeganayn ee Haddii kaaryoone loo soo helo lagu aasi karayo ayaanu ugu talogalnay”

Waxa uu sheikh Aadan xaaji Maxamuud tilmaamay inaanay caqliga gelaynin in dhulkii  umadda dadka qaarkood kala badh qaataan, qaarna dhul la’aan la meehanaabaan,

“Suurtagal ma aha inuu Hargeysa kala badh qof keligii yeelan doono oo nin sheegan doono 2000-kun oo baloodh oo umaddu leedahay dhawr million oo qofna ay dhul la’aan doonaan, qof walibana  dhul buu u baahan yahay oo xaq buu u leeyahay, Ka isleh intaad Hargesa iyo guryaha umadda kala badh qaaadato ayaad iska hor fadhiyeysaa, kaasi waa riyoonayaa.” Ayuu yidhi sheikh aadan siiro.

SDN/QJ-Hargeysa

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed